|
|||||
WAJAALE NEWS
DHACDADA XAYAYSIISKA DHARKA IYO TALOOYINKA KU WAAJAHAN XUKUUMADDA, CULIMADA & BULSHADA. Qalinkii Mustafe Adam
March 27, 2017 - Written by Editor:Qof walba dhinac ayuu ka istaagay dhacda ‘WIILAL REER HARGEYSA AH OO DHAR- XAYAYSIINAYAY’. Fekerkayga haddii aan soo bandhigo, iyada oo aanan ku degdegayn ‘xaaraan iyo xalaal’ ka uu noqonayo, Dhacdadaasi waxa ay ahayd dhacdo dhaqankeena iyo diinteenna suuban ka hor-imanaysa, qodobadan awgood:
Gabogabadii waxa aan farriin u dirayaa dhallinyaradaas, ganacsatada, culimadda, aqoonyahanka iyo xukuumadda. Dhallinyaradani waa jiil aynaan ka maarmayn oo aan rajaynayo in aanay arrintaas ugu talogalin ‘xummaan iyo dhaqan-xumo’ ay soo kordhiyaan. Waxa aan leeyahay tallaabooyinka noocaas oo kale ah marka aad qaadaysaan fadlan ka fiirsada oo wixii Illaahay iyo ummaddiisa cadho galinaya ka fogaada. Ganacsatada waxa la gudboon keliya in aanay ka fekerin uun sidii ay dhaqaale iyo lacag u samayn lahaayeen ee waa in ay ka fiirsadaan ganacsiga ay ku jiraan bulshada dhibaato iyo faa’iido muxuu u keenayaa. Xukuumadda, culimada iyo aqoonyahanka waxa aan leeyahay waxa inala gudboon in aynu dhallinyaradda iyo jiilasha wakhtigan oo la kulmay xilli adduunku noqday “hal tuulo”, tiknoolajiga iyo warbaahinta oo isbedel xawli ah ku socda awgeed, ka fekernaa habab iyo hannaan tolmoon oo isbedelkaas la jaanqaadaya, isla jeerkaasna dhaqanka iyo diinteena suuban waafaqsan. Tusaale, dhacdadani waxa ay marag-ma-doon u tahay in dhallinyaradu u baahan yihiin goobo madadaalo iyo tartanno, sida garooni iyo goobo lagu caweeyo oo ay aqoon diineed, maadi iyo jidh-dhisba ka helaan (recreation centers). Waad Mahadsan tihiin. kibaaro@gmail.com Mustafe Aadan
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|