Dawlada Imaaraadka Carabta Oo La Sheegay in Ay Jawaab Cadho leh ka Bixisay Mudaharaadkii Shalay Ee Jaaliyada Reer Somaliland Ee Dalka Ingiriisku La Hortageen Safaaradooda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Imaaraadka Carabta Oo La Sheegay in Ay Jawaab Cadho leh ka Bixisay Mudaharaadkii Shalay Ee Jaaliyada Reer Somaliland Ee Dalka Ingiriisku La Hortageen Safaaradooda.
March 3, 2017 - Written by Editor:

DAWLADA EMARAADKA CARABKA OO LAGA CABSI QABO IN AY KA LAABATO DALABKEEDIII AHAA DOONISTA SALDHIGA CIIDAN EE MAGAALADA BERBERA IYO ARIMAHA KA HORYIMID.!!

LONDON (W,N) ‘ Dawlada Emaraadka Carabta Ayaa La sheegay in siwayn uga ka cadhootay dibadbaxyo lagu diidan yahay saldhiga milatari ee ay ka doonayaa magaalada Barbera kaasi oo shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan cariga ingiriisku ay maalintii shalayto mudoharaad la hor tageen safaarada Emaraadka ku leeyahay dalka ingiriiska halkaasi oo ay ku sameeyeen iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ay ku diidan yihiin dawlada emaraatka carabka .

emaradka iyo silaanyo

Hadaba Wararka aanu ka helayno safiirka dawlada Emaaradka u fadhiya dalka ingiriiska oo lagu magacaabo Abasador Sulaybaan cabdulhadi ayaa mar warhaabintu wax ka waydiisay sida u u arko dhacdadan wuxu isgaaban kaga jawaabay oo ay cadho ka muuqato “Arimaha halkan ka dhacaya waxa laga yeelayo waxay Utaalaa dawladaya Waana arin Wakhtigeeda Aanu ka Hadli Doono” Sidoo kale boqolaalkun oo email oo lagu diidan yahay saldhigan ayaa si toosa u gaadhay dawlada emaraatka carabka kaasi oo sida la sheegay ay udireen shacbiga reer Somaliland oo ay hormuudka yihiin aqoonyahanka iyo qurba joogta ku kala nool daafaha dunida.

Dhanka kale xukuumada Somaliland ayaa ku fashilantay in ay joojiso mudoharaadkan kaasi oo wasiiro ka hadlay iyo safiirka somailand ufadhiya emaraadka Baashe Cawil Ereyadii kasoo yeedhay ay sii huriyeen xaraarada abaabulka isku soo baxan kadib markii ay shacabka reer Somaliland ee iyagu diidanaa in berberi noqoto Base Ciidan ay ku Sheegeen in ay yihiin reer koonfureed somaliya kasoo jeeda taasi oo gaas iyo kibriid laysku shiday   kusii noqotay abaabulka mudoharaadkan.

mudahaard

Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in isku soobaxyadan iyo mudoharaadadan ka bilowday dalka ingiriiska ay kusii faafaan qaarada yurub iyo laantii Ameerica iyo gudaha dalka Somaliland oo iyana lafilayo in ay maalmahan ka bilowdaan isku soobaxyo lagu diidan yahay saldhiga milatari ee xukuumadu ku mashquulsan tahay xiligan wareejintiisa,

Si kastaba ahaatee dawlada emaraatka carabka ayaan iyadu hayn dawlada dimuqraadiga kana mida dawladaha sida adag uga soo horjeeda isku soo baxayada ay shacabk ku muujiyaan dareenkooda lafilayo in ay  arintaasi Imaaraadka ku keeno in ay ka  ka laabtaan Go,aan koodii hore ee ay saldhiga milatari kaga doonayeen Berbara.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL; WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS