|
|||||
WAJAALE NEWS
Dareenada Shacabka Somaliland, Dabuubta Abwaanka, Digniinta Aqoonyahanka Iyo Duruufaha Siyaasadeed Ee Xiligan .”Faallo”
March 3, 2017 - Written by Editor:Hargeisa (Wajaalenews) :- Kala Aragti Duwanaanshaha Shacabka Aqoon-yahanka iyo Dawlada Ayaa Bishii Ugu Danbeysay Muran Xoogani Ku keenay Arrinta Saldhiga Milateri Ee La Siinayo Ciidamada Dawlada Imaaraadka isagoo Qodobka Kaliya ee Saameyn Baaxad Leh Ku Yeeshay Guud Ahaan Somaliland iyo Shacabka Kala Duwan ee Ku Nool Wadamada Qurbaha, Kadib Dhacdadii Ay Madaxtooyada Somaliland Awooda U Adeegsatay ee Ay Golaha ku Jiidhsiisay Ansixinta Qoraal Lagu Tilmaamay Inuu Yahay Heshiiska Ay Wada galayaan Somaliland iyo Dawlada Imaaraadka Carabtu Sidaana Xukuumadu Ugu Ogolaato In Saldhig Milateri Laga Siiyo Dawaladaasi, Waxaa Jira Dareeno Kala Duwan Oo Shacabka Iyo Dawladooda Soo Kal Dhexgalay, iyadoo kalsoonidii iyo Fikirkii Shacabku Ka Haystay Dawlada Aad Isku bedelay ficiladaasi kadib markii ay dhaceen, Xukuumada Somaliland Oo Dareenadaasi Shacabka Ka Warqabta Ayaa Dededaal Geed Gaaban iyo Mid Dheerba u Fuushay Sidii Shacabka Loogu Qancinlahaa in Heshiiskani Yahay mid faa’iido weyn U keenaya Qaranka Somaliland iyo Shacabkiisa, Waxaana Taasi Barbar Socoday Aragtida Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland Oo Iyaguna qabay Fikirkaasi ku Lidi ah iyo Aragtida Aqoonyahanka fikirka Saliimka ah leh oo Si Muwaadinimo oo lexejeclo leh arimahaasi u gorfeeyey,Waxaana Inta Badan Aqoonyahanka Madaxbanaan oo Ku Kala Nool Gudaha iyo Dibeda Dalku Ay Badankoodu Ka Midaysnaayeen In Aanu wax Faaiido u keeni karin Saldhigan dawlada Shisheeye Qaranka Somaliland, Lagana Dhaxli Doono Dhibaatooyin iyo Dhaqano aan Hore uga Jiri-jirin Somaliland Oo Ka Hor imanaysa Caqiidada Diinta Islaamka ee Dadkani Aaminsan yahay iyo Falal Aan Farxad Galin ilahay iyo umadiisa aaminsanba, Sidoo Kale Asxaabta Mucaaridka Somaliland ayaa Iyaguna Dhankooda Ku Doodaya Qodobo kuwan iyo kuwo kale Oo la Mid ah, Dhanka Kale Abwaanada Qaranka Somaliland Hadhsada Calankiisa Ayaa Dabuub Dareen Dhiilo leh Xanbaarsan aan markaliya Ka Aamusin Shacabkood, iyagoo Habab suugaaneysay Sawiro kagaga Muujiyey Sida Xaalada Dawalada Somaliland Wakhtigan Cagaha La Gashay iyo Sida Loogu Tagrifalayo hantidii Qaranka Ee Shacabka ka Dhexeeyey, Dareenka Dawlada Somaliland Laakiin Marnaba Ma Farxad galin jawaabaha Noocan ahi, Waxaaney Sababtay Walaac Xoogan oo ka Qabaan Inuu faashil ka Yimaado hirgalinta Heshiiskan Inta Gaarka Ahi Wadadto. Shacabka Kala Duwan Ee Somaliland Ayaa Banaan Baxyo kala Duwan kagaga jawaabay Arrintan, iyadoo Sida La Wada Ogyahay jaaliyada Dalka Ingiriisku Maalintii Shalay Cabasho Iyo Diidmo Ay Kagaga soo horjeedaan saldhigan Ciidan Ku Muujiyey Halkudhigyo iyo Boodhadh waaweyn iyagoona Ku Dhawaaqayey ereyo Ay kamid Ahaayeen No Base Militery No Base.. Waxa jira iyana Dadweyne Ku Nool Dalka Sweden iyo Denmark Oo U balansan iyo Mudaharaad Noocan oo Kale ah ay la Hortagaan Safaarada Dawalad Imaaraadku Ku Leedahay Dalalkan. Sidoo kale Shaqsiyaad Magac Ku leh Dalka iyo Hogaamada Xisbiyada mucaaradka Ayaa Iyaguna Ku Baaqay Inay Dalka Gudahiisa Laga Sameeyo mudaharaado noocan oo kale, Hadaba Aragtiyahan kala duwan Ayaa Sababi kara Kacdoon iyo Gadood Midaysan oo Dalka Gudahiisa ka dhaca islamarkaana aaney Xukuumada Somaliland u maaro Helikarin, Waxaana Taasi Sababi kartaa In Talada Dalku faraha Ka Baxdo Shacabkuna Sidii dawladaha Carabta Kacdoon Ku Muujiyaan Rabitaankooda. Dulmanaha Warkiisa Isaga Daa Duruufaha Qalafsan ee Abaarta Ka Jirta dalka Somaliland Sababtay Waxay gaadhay heer Dadkii Noolaa U Dhintaan cuno la’aan iyo haraad Biyo La’aaneed. Halka Xoolihiina Bakhtigoodu Wadhan Yahay Deegaan Kasta, dawaladii Shacabkaasi, Kaliya waxa Diiradeedu Haysaa Meelmarinta heshiisyadaa Dufanka Leh Ee Inta Gaarka Ahi Maamulato, Xaaladahan is barkan Ayaan Haddii Eebe Kala Furdaamin Sababi Kara, In Waxweyni iska Bedelaan Dhabahan Aynu maanta hayn.
HARGEISA OFFICE WAJAALENEWS DESK
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|