DAAWO; Murashaxa Madaxweyne Ee XISBIG WADDANI Oo Ka Warbixiyay khudbad uu ka jeediyay Xarunta Lagu Falan-qeeyo Arrimaha Siyaasadda Caalamka ee Chatham House. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Murashaxa Madaxweyne Ee XISBIG WADDANI Oo Ka Warbixiyay khudbad uu ka jeediyay Xarunta Lagu Falan-qeeyo Arrimaha Siyaasadda Caalamka ee Chatham House.
March 16, 2017 - Written by Editor:

LONDON (W,N):-Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ahna guddoomiyaha xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo maalmahii ugu dambeeyey martiqaad casuumadeed ku joogay dalka Ingiriiska ayaa shalay khudbad taariikhiya oo dhinacyo badan taabaneysa ujeediyey aqalka caanka ah ee lagu falanqeeyo Siyaasadda adduunka ee Chatam House oo ku yaalada magaalada London ee dalka Ingiriiska.

xarunta hatan house 2

https://youtu.be/ysvG60f2Lts

Dr. Cabdiraxmaan Cirro, ayaa markii Guddoomiyahii shirka hagaayay uu ku soo dhaweeyay, wuxuu jeediyay khudbad dheer qaadatay muddo 30-daqiiqo ah, taas oo uu kaga hadlay tariikhda Jamhuuruyadda Somaliland, wixii ay qabsatay, nidaamka iyo dawladnimada ka jirta hanaanka dimuquraadiyadda oo ay Somaliland tusaale ugu tahay guud ahaan geeska Afrika.

xarunta hatan house 1

Sidoo kale wuxuu guddoomiye Cirro si weyn khudbadiisa ugu dheeraaday abaaraha soo noq-noqday ee Somaliland oo saamayn weyn ku yeeshay nolosha dadka xoolo dhaqatada aha kuwaas oo ah dhaqaalaha ugu weyn ee nolosha Shacbiga Somaliland ku tirsan tahay iyadoo hadda ay marayso halkii ugu xumayd oo dadkii dhimanayaan, waxaana uu  ka digay in haddii ay Beesha caalamku ka gaabiso gurmad deg-deg ah oo loo fidiyo dadka abaartu tabaalaysay in ay ka dhalan doonto masiibo bini-aadanimo.

Geesta kale wuxuu Guddomiyuhu khudbadiisa ku soo qaatay heshiisyada Somaliland iyo Imaraadka ee dekada Berbera iyo saldhiga Millatari isaga oo hoosta ka xariiqay inay Somaliland waddan ahaan xaq u lee dahay in ay dalalka aduunka heshiisyo la gasho maalgashina lagu sameeyo, balse ay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ay si weyn isugu khilaafsan yihiin dariiqa loo maray heshiisyadaas, oo uu sheegay in aan wax heshiisyo ah la keenin goleyaasha Baarlamanka madmadaw badana ku geedaaman yahay, sidaa daraadeed na xisbiga uu Hoggaamiyo ee WADDANI na ka qaatay mawqif oo ah in ummadda Somaliland runta loo sheego si daah furnaan ahna loo soo bandhigo heshiiska dhabta ah ee Xukuumaddu gashay taasina aanay wali dhicin.

Khudbadda Murashaxa Madaxweynaha WADDANI ee uu ka jeediyey Chatham House, wuxu sidoo kale ku soo qaatay doorka Saxaafadda Somaliland ka soo qaadatay dib-u-dhiskii wadanka iyo nabadeyntii, sidoo kalena distoorku damaanad qaadayo xorriyada xuquuqda hadalka taas badalkeedi wuxu sheegay inay xadhig badan la kulanto saxaafaddu iyagoo gudanaaya wajibaadkooda shaqo, waxaana ugu danbeeyay ayuu yidhi Xadhigii Agaasimaha Telefeeshinka STAR Maxamed Baashe Xaji Xasan iyo Mulkiilaha Telefeeshinka UNIVERSAL Eng: Abokor Mahdi oo Xabsiga Xukuumaddu u taxaabtay, halka Xisbiyadda Mucaaridka ahna layska hortaagay kulamada ay Huteelada ku qabsanayaan oo ay ugu danbaysay dhacdadii Huteelka Maansoor .

Qabsoomida doorashooyinka oo dibudhac badan ku yimaadeen masuuliyada qabsoomida doorashada iyo hirgalinta Dimuquraadiyaddana ay Xukuumadda saarnayd, maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa, qorshaha XISBIGA WADDANI Dalka ku hagaayo hadduu doorashada ku guulaysto ayaa iyana kamid ahayd khudbada Gudoomiyaha .

Markii uu khudbada dhammeeyay Mud. Cabdiraxmaan Cirro waxa la waydiiyay su’aalo tiro badan oo loo qaybiyay Saxaafadda Caalamka Mida Soomalida iyo dadkii ka soo qayb galay kulankaas oo isugu jiray, Somaliland, Somalia iyo diblumasiyiin caalamiya, kuwaas oo uu dhammaantood ka jawaabay, waxaana ugu badnaa su’aalaha la waydiiyay, Musuq-maasuqa, heshiiska DP Wold iyo Saldhiga Milllatari ee Berbera, Saxaafadda iyo madaxbanaanideeda, qorshaha XISBIGA WADDANI haddii uu tallada SOMALILAND qabto iyo Waxa uga meelyaala arrimaha ay hadda Xukuumadda ku dhaliilayaan, goorta uu ka degaayo Xilka jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka, dibudhaca doorashooyinka iyo niyad jabka saaxibadii SOMALILAND, wada-hadaladii u socday Somaliland iyo Somalia. Waxa kulanka Chatam House ee Mud. Cabdiraxmaan Cirro kudhabada ka jeediyay ka soo qayb galay sidoo kale Ganacsato iyo Wakiilka Jamhuuryadda SOMALILAND u fadhiya Dalka Boqortooyadda Ingiriiska Ayaan Cashuur.

COMMENTS
LINKS