DAAWO; Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Gaadhay Magaalada Gaashaamo Ee Gobolka Jarar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Gaadhay Magaalada Gaashaamo Ee Gobolka Jarar.
March 31, 2017 - Written by Editor:

Gaashamo(W,N) Waftigan uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI oo xalay u hoyday tuulada ceelbaxay oo ka tirsan degmada gaashaamo ayaa saaka ka dib markii ay kulamo la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan tuulada ceelbaxay islamarkaana deeqo raashin ah u qaybiyeen bulshada ay abaaruhu saameeyeen ayaa waxay u ambabexeen dhinaca degmada gaashaamo. Waxayna waftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar intii ay dhexda ku sii jireen siimareen tuulooyin badan oo ay ka mid yihiin kaam-cumar iyo qaydarlabiile oo ka tirsan degmada gaashaamo waxayna gaadhsiinayeen bulsahda abaaruhu saameeyeen raashinka noocyadiisa kala duwan iyada oo uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar bulshada uu la kulmo ka waraysanayay xaaladaha abaarta Intaasi ka dib waxay waftigani gaadheen magaalada gaashaamo halkaasi oo si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyay.

https://youtu.be/nYfG0CL1HE0

Waxayna kulan balaadhan la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada gaashaano. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii ka hadlay kulankaasi ayaa si qoto dheer uga warbixiyay xaaladaha abaarta ee saamaysay qaarka mid ah degmooyinka deegaanka oo ay ka mid tahay degmadan gaashaamo iyo dadaalka balaadhan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii shacabka abaaruhu saameeyeen looga samata bixin lahaa. sidoo kale waxa uu madaxwaynaha si mug leh uga hadlay waxyaabaha keenay in ay bulshada u nuglaato abaarta iyo qorshayaasha lagaga gaashaaman karo xaaladaha abaarta taasi oo ay sal u tahay in bulshadu xooga  saarto wax soo saarka. Wuxuuna Madaxwaynuhu ku booriyay qaybaha kala duwan ee bulshada in ay roob-doon sameeyeen ILAAHAYNA baryaan. Qaarka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka hadlay kulankaasi ayaa siwayn ugu mahad celiyay xukuumada DDSI uguna mahad celiyay deeqahan aan kala go’alahayn ee ay xukuumada markasta la duljoogta shacabka abaaruhu saameeyeen.  Waftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa wakhti xaadirkan ku sugan magaalada gaashaamoee gobalka jarar.

COMMENTS
LINKS