|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO ; Abwaankii 11aad Ee Kusoo Biira Silsiladii Miimleyda Cali Wadaad Yare Iyo Maansada “MAGANSI”
March 17, 2017 - Written by Editor:DAAWO ; Abwaankii 11aad Ee Kusoo Biira Silsiladii Miimleyda Cali Wadaad Yare Iyo Maansada “MAGANSI” Maansadani waxay daba socotaa SILSILADII MIIMLEY ee uu bilaabay abwaan Xasan Daahir Weedhsame. https://youtu.be/MqUdXNeW2jI Afka macallinkiisiyo Weedhsame markii uu Tix mudduciya soo qoray Cabdi Ganey na marag iyo Hawraar markhaatiya Farta taagey midigtee Daaha Gaas maddaacalay Miiska saaray guudkii Ee Awaare maandhow Uu maxkamada soo dhigay Bawkax hubinta moqorrada U bud dhigay masaalada Qalinle na is moodsiis Ku marriimay garashada Maryan maati marisee Deeqa Nuuxna muran diid Masraxyada ka sheegtee Milladdana Gallaydh uu Ka mudh kudiyey meesheed Hal abuuro maansada Wada maala gaaxdeed Balse aanan magac dhebin Iyaguna midhkoodiyo Wixii Mawlahood baray Milaygooda dhiibteen Badan kood mucaaridad Muujiyeen wax tabashada Marin koodu waa daw Iyo mooshin aniguba Ka ogsoonay maankoo Waa wax lala madiixaa Hayeeshee Madluunow Midhka iiga soo baxay Related posts:DAAWO; Wasiirka Kamid Ahaa Xukuumadii Siilaanyo Oo Ka Hadlay Saluug Ay Reer Awdal Ka Qabaan Madaxway... Human Rights Watch Oo Sheegtay Inay Heshay Caddeymo Muujinaya In Ciidamada Eritea Ay "Dembiyo Dagaal... Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Kana Warbixiyay Safarkiisii Jig Ji... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|