|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO ; Abwaankii 11aad Ee Kusoo Biira Silsiladii Miimleyda Cali Wadaad Yare Iyo Maansada “MAGANSI”
March 17, 2017 - Written by Editor:DAAWO ; Abwaankii 11aad Ee Kusoo Biira Silsiladii Miimleyda Cali Wadaad Yare Iyo Maansada “MAGANSI” Maansadani waxay daba socotaa SILSILADII MIIMLEY ee uu bilaabay abwaan Xasan Daahir Weedhsame. https://youtu.be/MqUdXNeW2jI Afka macallinkiisiyo Weedhsame markii uu Tix mudduciya soo qoray Cabdi Ganey na marag iyo Hawraar markhaatiya Farta taagey midigtee Daaha Gaas maddaacalay Miiska saaray guudkii Ee Awaare maandhow Uu maxkamada soo dhigay Bawkax hubinta moqorrada U bud dhigay masaalada Qalinle na is moodsiis Ku marriimay garashada Maryan maati marisee Deeqa Nuuxna muran diid Masraxyada ka sheegtee Milladdana Gallaydh uu Ka mudh kudiyey meesheed Hal abuuro maansada Wada maala gaaxdeed Balse aanan magac dhebin Iyaguna midhkoodiyo Wixii Mawlahood baray Milaygooda dhiibteen Badan kood mucaaridad Muujiyeen wax tabashada Marin koodu waa daw Iyo mooshin aniguba Ka ogsoonay maankoo Waa wax lala madiixaa Hayeeshee Madluunow Midhka iiga soo baxay Related posts:DAAWO; Siyaasi Duur Oo Ka Hadlay Isbadalka Geeska Africa Ka Socda Iyo Dhibta Ay Somalida Ku Hayso Q... DAAWO;-Bulshada Degmada Agabar Oo Ka Hadlay Roobab Khasaare Nafeed Soo Gaadhsiiyay,Cabasho Xoogana ... Siyaasi Rashiid Jaamac Dhari Oo Soo Dhaweeyay Qodobadii Kasoo Baxay Shirkii Beelaha Gar-xajis Iyo fa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|