Daacish Oo Sheegatay Markii Ugu Horeysay in ay Dil ka fulisay Magaalada Muqdisho. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daacish Oo Sheegatay Markii Ugu Horeysay in ay Dil ka fulisay Magaalada Muqdisho.
March 28, 2017 - Written by Editor:

MUQDISHO (W,N) – Kooxda Daacish ayaa markii ugu horeysay sheegatay in ay sarkaal ka tirsan nabad-sugida ku dishay magaalada Muqdisho, kaddib war ay ku shaaciyeen wakaalad wararka u faafisa.

Ilaa iyo hadda ma jiro war ka madaxbanaan sheegashada Daacish ama ka soo baxay dowladda federaalka oo ka hadlay sarkaalka sarkaalka ka tirsanaa nabad-sugida.

DAACISH SOAMLIYA

Kooxda Daacish ayaa horay u sheegatay in ay ka howlgasho deegaannada dowlad gobolleedka Puntland, hasse ahaatee sheegashadan  ah in ay howlgal ka fuliyeen ayaa noqonaya kii ugu horeeyay.

Sanadkii horay ayeey aheyd markii kooxo uu hogaaminayo ninka lagu magacaabo Sheekh C/qaadir Muumin oo ka goostay Al-shabaab ku dhawaaqeen in ay ku biireen kooxda ISIS ama Daacish, waxaana ay kooxda ka howlgashaa deegaanno ka tirsan Puntland.

Ugu danbeyntii, dhaq dhaqaaqa ISIS ee Soomaaliya ayaa ah mid yar, marka loo eego Kooxda Al-Shabaab oo aad ugu xooggan Soomaaliya.

 

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS