CALAAMADINTA GAADIIDKA DADWEYNAHA!! QALINKII MAXAMED DHIMBIIL. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
CALAAMADINTA GAADIIDKA DADWEYNAHA!! QALINKII MAXAMED DHIMBIIL.
March 4, 2017 - Written by Editor:

DAWLADAHA HOOSE EE DALKA IYO DAWLADA DHEXE HAKALA CALAMADIYAAN GAADIIDKA ADEEGA DADWAYNAHA (xoogsatada) IYO GAADIIDKA KALE EE KHAASKA LOO LEEYAHAY

(Faaiidooyinka calamaduhu  leeyihiin waxa ka mid ah bilicda magaaloyinka, yaraynta khataraha, mukhadaraadka iyo xumaanta, tirakoobka gaadiidka ka adeega magaalo kasta,  In la ogaado masuuliyada iyo sharciyada dadka gaadiidka wata iyo qodobka ugu muhiimsan oo ah nabad gelyada )

Somaliland waa dal curdin ah oo aad u soo hor u maraya marka aad eegto dadka reer Somaliland waxa ay qabsadeen iyo sida ay u ganacsanayaan, hor u markaa waxa ka mid ah horumarka uu sameeyay gaadiidka u adeega dadwaynaha sida basaska tagaasida booyadaha basaska yaryar oo dalka ku soo badanaya iyaga oo ay leeyihiin shirkado iyo iyaga oo dad shaqsiyaad ahi leeyihiinba waxa loogu adeega dadwaynaha Somaliland oo faaiido wayn ku qaba waxa aanay u fududeeyeen noloshii iyo isu socodkii caasimada iyo magaalooyinka kale ee dalka, waxa kale oo ay isaga gooshaan guud ahaan dalka Somaliland oo aad helayso shirkado kugu geynaya lacag jaban iyo adeeg wanaagsan.

Shirkadahaa waxa ka mid ah Shirkada weyn ee BARI IYO GALBEED( EAST AND WEST), SAHAL ,SAHAN IYO SALAAMA oo fududeeyay isu socodkii dalka gudihiisa qiima jabana ku taga meelkasta ama magaalo kasta oo dalka ah adeeg wanaagsana ayay  ka heleen dadkeena reer Somaliland.waxa intaas sii dheer waxa ay abuureen shaqo abuur oo dad badan oo bilaa shaqo ahaa ayaa shaqo ka helay, xaqiiqdii waxa yaraaday xataa shilalkii gaadiidka gobolada u kala goosha ee dadwaynaha qaada oo markii hore aad u badnaa.

Waxa iyaguna jira gaadiid yar yar oo ka dhex shaqeeya magalooyinka waaweyn ee Somaliland,gaadiidkaasi waxa ay isugu jiraan nooca loo yaqan mini taxi (dukhan) bajaj iyo taxi caadiya waxa ay shaqeeyaan 24saac ba marka aad eegto caasimada Somaliland oo kale waxaana adeeg fiican ka helay dadka ku dhaqan caasimada iyo kuwa yimaadaba, gaadiidkaasi aad bay u tiro badan yihiin mana laha calaamado lagu garto in ay gaadiid khaas ah yihiin iyo in ay yihiin gadiidkii dadweynaha u adeegayey ee shaqaynayey.

Faaiidada ay dadku ka heleen waxa iyaduna dhinac socoto in ay fududeeyeen xumaan badan oo ay ka mid yihiin balwadihii oo sii faafaya,waxaa lagu dhex iibiyaa khamriga,xashiishada iyo balwadaha xun xun , waxaana jira qaar xataa dadka lagu dhex baadhay ama dad qayral masuul ahi wataan, waxa jira qaar alaabooyin lagaga dhex tagay oo la waayey waxa jira qaar wax lagu dhex kufsado, waana ay soo badanayaan mushkiladaha ay soo wataan gaadiidkaa yaryari waxaana ay keeni karaan falal xun xun oo amaan daro hadaan laga hortagin.

Gaadiidka yaryar intooda badan waxa wata dad shaqo tag ah runtiina shaqo abuur weyn ayay dalka ka noqdeen, xataa anigu waxa aan raacay wiil arday dugsiga sare galinka hore dhigta galinka dambena nolol maalmeedka qoyskooda oo dhan soo saara oo ku shaqaysta mini taxi yar waa wax aad loogu farxo, waxa hadaba dhex yaacaya in aan badnayn oo xumaan wada baabuurtana mukhaadaraad ku dhex iibisa loona baahan yahay in la kala saaro gaadiidkaasi.

Waxa haboon in la calaamadiyo gaadiidka u adeega dadwaynaha caasimada Somaliland ee hargeisa iyo gaadiidka ka adeega magaaloyinka kale ee Somaliland sid Burco,Berbera,Borama,Gabiley,Lascanod iyo Cerigabo  oo ay iska kaashadaan dawladaha hoose ee dalka iyo dawlada dhexe, calaamadahaasi waxa ay faaiidooyin u leeyihiin marka koowaad bilicda magaaloyinka, yaraynta khataraha iyo mukhadaraadka, tirakoobka gaadiidka ka adeega magaalo kasta iyo qodobka ugu muhiimsan oo ah nabad gelyada, waxaa kale oo la ogaanayaa masuuliyada dadka gaadiidka wata iyo sharciyadooda,waxaana haboon in arinkaa xil weyn la iska saaro oo lakala saaro gaadiidka khaaska ah ee shaqsiyadku leeyihiin iyo gaadiidka u adeega dadwaynaha ee magaalooyinka dalka.

Waxa aan qoraalkayga ku soo gebobaynayaa in aad akhriste tilmaanto meelkasta oo aad isleedahay qabyo wax laga qaban karo ayaa ka muuqata waayo dalka waala wada leeyahay waxaana haboon in qofwaliba kaalintiisa tilmaameed iyo toosineed iyo waliba tii waxqabad ka qaato si aynu u gaadhno halka aynu hiigsanayso iyo dawladaha horumaray oo lagu gaadhi karo wax wada qabsi is dhagaysi is toosin iyo istaakulayn intaba.

ALLE HA INA WAAFIJIYO WADADA WANAAGSAN

ALAA MAHAD LEH

MOHAMED  DHIMBIIL

Mohamed Abdi Jama

COMMENTS
LINKS