|
|||||
WAJAALE NEWS
Anigu Garan Waayey Ee Ujeedadu Maxay Tahay? “Xukuumadu Waxa Ay Xukumad ku Tahay Waa Sharciga”
March 3, 2017 - Written by Editor:Xukumadu Waxa ay Xukumad ku tahay waa sharciga. Cida sharciga inay ilaaliso aynu u dooranay waa Xukumada. Hadaba Hadii ay Xukumadii ilaalin waydo Waxa ay la macno tahay “Hadii Dawo Bukooto Maxaa Lagu Dabiibaa?” Waxaan uga Socdaa Saddexdan Qodob.
Baarlamaanku Waxa ay Ansixiyeen Heshiis hor dhac ah Heshiiskii Kama danabaysta ahaana Waxaa ay wada gaadheen Maalin dhaweyd. Hadaba ma Mar labaad ayaa la soo Marinaynaa baarlamaanka Mise sidaasuu ku tagay? Ileyn Heshiis kasta oo Xukumadu Gasho waa in Baarlamaanka la mariyaaye.
Waxaa Baarlamaanka la hor keenay Heshiis La yidhi waa Heshiiska aanu la gali doono ee noo Ansixiya waana loo ansixiyey inagoo wada og in Xukumada Maalintii la doortay ee la dhaariyey uu sharcigu u ogolaanayo inay caday doonan Heshiis La gali karaan balse Heshiiska ay galaan la soo mariyo Baarlamaanka.
Mudo Kordhinta Waxaa isla qaatay 3da Xisbi Qaran iyo Komishanka Madaxweynuhuna Wuu ogolaaday oo Wuu saxeexay, sharcigu ama Dastuurkuna Waxa uu dhigayaa in “Hadii mudo kordhin la sameynayo lagu dhawaaqaa ama la sameeyaa Bil ka hor xiligii markii hore loo asteeyey. Maanta Miyey Bil inaga xigtaa wakhtigii hore ee doorashada loo qoondeeyey oo ahayd 28/3/2017ka Barina Bishu waa 4/3/2017ka May gaadhaa Bil? Waa Maya jawaabtu oo waxay ahayd 28/2/2017 ka hor in mudo Kordhinta la sameeyo. Isku Soo Wada duuboo Xukumadu Waxa ay haysataa Baarlamaan aan marna diidayn oo Mooryaantu dhaanto waa Halkii Weedhsamee. Maxaa u sheegtay in ay sharciga maraan oo Markay heshiisyadu dhamaystirmaan ay Keenan Golaha Baarlamaanka? Mida labaad Guurtidu Maxay la qabanaysay mudo Kordhinta lagu wada heshiiyey ee aan Cidi diidin Mucaarid iyo muxaafidba inay sharciga maraan oo intaan Bisha la galin ay ugu kordhin waayeen Xukumada? Maxaa Khaldan Ujeedadu se Maxay Tahay?.
WABILAAHI TOWFIIQ Maxamed Cali Mataan Hargeisa Somaliland. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|