Xukuumad Liidata Iyo Xisbiyo Liita:-Aqooonyahayn Cabdicasiis Xasan Maxamed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumad Liidata Iyo Xisbiyo Liita:-Aqooonyahayn Cabdicasiis Xasan Maxamed
February 12, 2017 - Written by Wariye:

Intaa ka dib xusbiyada mucaaridka ee sixi lahaa intaan kor ku soo sheegay ee xukuumaddu ku fashilantay

salaamucalayku dhammaan ummada somaliland gude iyo dibadba salaan ka dib aniga oo ah muwaadin waxaan si muwaadinimo leh qalinka ugu qaatay in aan ka hadlo maqaal koobsanaaya ayaan darada dalka ku habsatay ee kaga timid xukumad xumida iyo xisbi xumida taas oo sida caadada ah haddii ay xukumadu xumaato inay ka faa’idaystan xisbiyada mucaridka ah oo ay soo jiitaan shacab weynaha ku dhaqan Somaliland oo ku soo jiitaan aragtiyo ka duwan fashilka xukumada balse nasiib darada kale waxay nagaga timid xisbiyadii sixi lahaa arimaha ka xumaada xukumada oo noqday kuwo raaca xukumada wadadeedii taas oo bulshada Somaliland raajo la,aan waayo rajo waxay timaadahaddii xukumadu xumaato in xisbiyadu la imaadaan rajo soo celin haddaba waxaan
kala qaadi doonaa labada qodob ee kor ku soo sheegnay

waa marka kowaade xukumad waxa laga helaa qodobadan soo socoda

1:cadaalad 2:Isku haynta bulshada 3:Nabad taam ah

4:Daryeel bulsho 5:Ilaalinta qaranka 6:Xasilida dhaqaalaha

Xukumad kasta oo la doortaa waxay bixisaa lix tiir oo waaweyn oo ay hor kacayso cadaalad, Lixdaa tiir waxaynu ka soo qaadan doona inta ay ku fashilantay xukumadu oo ah afar tiir oo xukumad laf dhabar u ah

1: Xukumada maanta waa xukumad ku kuftay lixdaa qodob ee aan kor ku soo sheegnay waana xukumad caan ku noqotay caddalad darro baahsan oo tusaale kugu ah hadba wasiirka ka agdhaw madaxweynaha inoo yeesho awood dheraad ah oo aanu lahayn golaha wasiirada ee la siman waxa tusaale kuu ah wasiirkii hore madaxtooyada xirsi iyo ka manta jooga ee maxamud xaashi

2:qodobka labaad oo ah isku haynta bulshada oo aan dalka ka jirin waxa daliil kuugu ah hadalkii madaxweynihiin hore yidhi oo ahaa dalmida iyo dad mida ayaan kugu wareejiyey madaxweyne.Maant se xukumadani may noqon mid dhago nugul siisay eraygii madaxweyne Riyaale waana xukumad wada hadal kula jirta maamulka khaatumo oo gadhwadeen ka yahay cali khaliif galaydh taaso ku tusaysa in isku hayntii meesha ka baxday iyo gobolada bari oo tabaya miisaanka dawladnimo ee ay xaq u lahaayeen .

3:Qodobkan daryeelka bulshada Xukumadani waa mid ku fashilantay inay hirgeliso daryeelka bulshada haddii ay tahay tayada caafimaad oo liidata ,Adeega biyaha oo aan dalka ka jirin haba u sii darnaatee caasimadu taas oo ka qatan malyuun dollar ool lagu soo qaatay hirgelinta biyaha magaalada hargeysa iyo xukumada oo wakhtigeedu gabaabsi yahay ,Adega korontada oo ay xukumad bixiso oo aan dalka ka jirin meelihii adeegas korontada ee dawladi bixiso lahaa oo lagu wareejiyey shakhsiyaad gaar ah markhaaatina waxa idiinku filan korontada magaalooyinka hargeysa iyo berbera cida gacant ku haysa manta .

4:qodobkan xasilida dhaqaalah odhaah caana ayaa tidhaahda wax waxa ugu danbeeyey maydkaa la sii sido waxa u danbeeyey sixirbararka manta taagan oo dalka si xun ugu baahay iyo qorshe la,aanta xukumada manta iyo musuqmaasuqa oo sii baahaya iyo wasiirada todobada habeen maal qabeenada ku noqday .

Intaa ka dib xusbiyada mucaaridka ee sixi lahaa intaan kor ku soo sheegay ee xukumadu ku fashilantay oo iyaguna noqday kuwo war baahinta la soo taagan intaan ku soo dhaliilay xukumada ,xisbiyadaas oo aan lahayn aragtiyihii ay ku sixi lahaayeen qaladaadka ka yimid dhanka xukumada ee aan kor ku xusay .taas oo bulshada somaliland ku abuurtay niyad jab baahsan iyo jah wareer ku aadan cidii talada dalka ay ku aamini lahaayeen marka loo eego saddexda musharax oo aan habeen is dhaamin .bulshooy Alle talada saarta hogaan daacadi inooma maqnee

Aqooonyahayn Cabdicasiis Xasan Maxamed

Email: qoraaseed@gmail.com

Phone : 4905333

COMMENTS
LINKS