Xildhibaan Fahansan Wixii Loo Doortay!! Qalinkii Sacad Maxamed Ciyaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Fahansan Wixii Loo Doortay!! Qalinkii Sacad Maxamed Ciyaale.
February 25, 2017 - Written by Editor:

Aniga oo ka mida bulshada reer somaliland  gaar ahaan kuwa dagan

Caasimada. Waxa igu waa jiba in aan ka dareen celiyo  Rafaadkii iyo

Bacadkii loo soo maray  doorashadii Golaha Deeganka ee Caasimada

Hargeisa.  Waxa xusid mudan in aan is waydiino  maxaynu u dooranay

Golaha Deeganka?  Waa maxay Shaqadoodu?  hadaba hadaan is yar dultaago

Shaqada Golaha Deeganka laga Sugayo waxyaalaha ugu waa wayn waxa kamida  Qurxinta Magaalada, Hurumarinta kaabayaasha bulshada,  uadeegida dan yarta qaybaheeda kala duwan.  Xildhibaankan aan ku sooqaatay qoraalkaygan Xildhibaan Ismaciil jaamac xirsi (Caga yare) oo ka mida dhalinyaradii ka soo baxday Caasimada Hargeisa  Waxan leeyahay Waa Xildhibaan Fahamsan Wixii Loo Soo doortay. waa Xilibaan marwalba agtaagan bulshada qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan dan yarta iyo dhalinyarada, Waa xildhibaan ka bilaabay baylahada intii u muuqatay. Waa xildhibaanka ka shaqeeya danta dhalin yarada  ahna xilibaanka ugu waxtarka badan bulshada.

COMMENTS
LINKS