Wasiirkii Hore Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi oo ka Hadlay Wararka Sheegaya In Uu Xilka Raadinayo Maamulka Somaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirkii Hore Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi oo ka Hadlay Wararka Sheegaya In Uu Xilka Raadinayo Maamulka Somaliya
February 28, 2017 - Written by Editor:

“Warkaasi  La Xidhiidha Dawladda  Xamar Waa  kuwo Aan  Waxba  ka Jirin Oo ah  Dacaayad  Raqiis ah.  Qolayaha Wada waa  la  yaqaanaa”,Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar

London-(W,N):- Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar ayaa shaaca ka qaaday inuu hawlo muhiim u ah qaranka Somaliland ka wado dalka Ingiriiska, isla markaana deelqaaf ku tilmaamay warar lagula xidhiidhiyey Soomaaliya, iyo kuwa loo jeediyey Madaxweynaha JSL, kulana taliyey dadka baahinaya inay ka xishoodaan.

Wasiirkii hore Arrimaha Dibedda, Dr Maxamed Cabdillahi Cumar  xilligana ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar dhowaanahan qaarkamida warbaahinta Soomaalidu ku sheegayeen inuu olole ugu jiro xil uu ka qabto Soomaaliya.

Weriye Maxamuud Walaaleeye oo Dr. Maxamed Cabdillahi kala xidhiidhay khadka telefoonka, kuna weydiiyey siduu u arko wararka ku xidhiidhiyey Soomaaliya ayaa yidhi,

“Waxaan  joogaa dalka  Ingiriiska oo aan  hawlo  shaqo u joogo  hadda, waxanan  dardar galinayaa hawlgalada xisbiga Kulmiye ee dibadda.”

Dr. Maxamed cabdillahi ayaa sheegay in wararka ku xidhiidhinaya Soomaaliya yihiin kuwo aan waxba ka jirin, waxaanu yidhi,

“Warkaasi  la xidhiidha dawladda  xamar waa  kuwo aan  waxba  ka jirin oo ah  dacaayad  raqiis ah.  Qolayaha wada waa  la  yaqaanaa,  waxaanan  leeyhay ka xishooda dadka baahinaya wararka adeelqaafka ah.

Sidoo kale Wasiirkii hore Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed cabdillahi Cumar ayaa ugu baaqay dadka hadalada deel-qaafka u jeedinaya Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo, ka xishoodaan, isagoo sheegay in la garanayo dadkaasi, waxaanu yidhi,

“Wararka  kale ee la xidhiidha  in madaxwaynuhu Siilaanyo,  waa war  aan  sal iyo baar  lahayn, lana mid ah  warka  hore.”

Hadalka Dr. Maxamed Cabdillahi ayaa meesha ka saaraya warar dhowaanahan warbaahinta qaarkood ku faafinayeen inuu xilal uu ka qabto xukuumada Soomaaliya ololaheeda ku jiro.

COMMENTS
LINKS