Wasiir Cadaani Oo Hada Shir Albaabadu U Xidhan Yihiin Kula Jira Warbaahinta Madaxa Banaan Iyo Fariin Kaga Timid Dhinaca Madaxtooyada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Cadaani Oo Hada Shir Albaabadu U Xidhan Yihiin Kula Jira Warbaahinta Madaxa Banaan Iyo Fariin Kaga Timid Dhinaca Madaxtooyada
February 11, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa galabta shir albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay warbaahinta kala duwan ee ka hawlgala dalka kaasoo oo ilaa hada ka socda hoolka way nee wasaarada warfaafinta .

Kulankan uu Wasiir cadaaani la yeeshay warbaahinta oo aanay wali wax faahfaahin ah ka soo bixin ayaa hadana ilo ka agdhaw tibaaxayaan in ujeedada shirkani daaran yahay sidii loo xakamayn lahaa warbaahinta mudada uu socdo mooshinka dhaxal wareejinta madaarka Berbera oo xukuumadu doonasi in ay ku wareejiso dawlada Emaaraatka Carabta oo u noqon doona saldhig militari si uu ugaga duulo dalka aynu jaarka nahay ee Yemen.

Wasiirka wasaarada Warfaafinta Somalialnd Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa maalmahanba shirar kala duwan lalahaa qaybaha kala duwan ee warbaahinta kaas oo la sheegay in uu amar kaga yimid dhinaca madaxtooyada kaas oo amar adag lagu siiyay in uu si adag ula dagaalamo warbaahinta maadaama shacabku ka soo horjeedo mooshinkan dheemaalaysan ee xukuumadu rabto in ay durduro kaga meelmariso aqlada wakiilada iyo guurtida.

Dhinaca kale madaxtooyada ayaa fariin adag u laqintay wasiir cadaani kaas oo uu sas badan ka qaaday,waxaanay wararku sheegayaan in wasiir cadaani lagu adkeeyay in uu dagaal adag la galo warbaahinta.

Si kastaba ha ahaatee saldhigan military ayaa buuq badan ka dhex abuuray bulshada kaas oo ra,ayi caamku tibaaxayo diidmo qayaxan oo xukuumada kaga yimid dhinaca shacabka .

COMMENTS
LINKS