|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
WAJAALE NEWS
War Deg-Dega:Xisbiga Mucaaradka ah Ee Wadani Oo Sameeyay Isku Shaandhayn Isugu Jirta Magacaabis Iyo Xil ka Qaadis
February 21, 2017 - Written by Editor:Hargaysa(wajaalenews)xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa maanta sameeyay isku shaandhayn xisbiga dhexdiisa ah, warsaxaafadeed ka soo baxay maanta xisbigaas oo uu ku saxeexan yahay gudoomiyaha xisbiga ahna musharaxa Wadani ayaa u dhiganaa sidan: REF/XIS/WAD/XDH/2415/2016 Taariikh: 20ka February, 2017 KU: Dhammaan Masuuliyiinta hoos ku xusan Hargeysa OG: Dhammaan Gobollada Dalka ee Xisbiga WADDANI Rugtooda OG: Dhammaan Laamaha Dibedda ee Xisbiga WADDANI Rugtooda OG: Guddida Fulinta ee Xisbiga WADDANI Hargeysa OG: Hoggaanka Xisbiga WADDANI Hargeysa OG: Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Hargeysa OG: Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Hargeysa OG: Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee WADDANI Hargeysa
Ujeeddo: Isku-shaandhayn iyo Magacaabis. Markaan daresay: Qodobka 30aad faqraddiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI Markaan arkay: Baahida loo qabo in Xisbiga lagu sameeyo Isku-shaandhayn Markaan la tashaday: Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI Markaan ku qancay: Kartida iyo Aqoonta ay leeyihiin Xubnaha hoos ku xusani.
Wada-tashi Ballaadhan oo ay yeesheen Hoggaanka, Guddiga Fulinta, Xoghayeyaasha, Masuuliyiinta Gobollada iyo taagerayaasha Xisbiga waxa la isku raacay in la dardar-geliyo hawlaha Xisbiga; maadaama ay dalka ku soo fool leedahay doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland sannadkan 2017, waxaana masuuliyiintan kala duwan ee xisbig lagu sameeyey isku-shaandhayn iyo magacaabis.
Waxan ilaahay uga baryeynaa in uu masuuliyiintan u dhib-yareeyo hawlaha shaqo ee Xisbigu u xil-saaray, waxanan kalsooni ku qabnaa in ay hormood ka noqdaan guul Xisbigu ka soo hooyo doorashada Madaxtooyada iyo sidii isbeddel caddaalad iyo horumar ku dhisan looga hir-galin lahaa dalkan Somaliland
Related posts:Dagaal Markale Ka Dhex Qarxay Beelihii Dhawaan Dirirtu Ku Dhexmartay Deeganada Dharkayn Geenyo Iyo K... Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiiyay Gudidii Beesha Bariga Burco Ee Xalisay Khil... Raysal-Wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Wacad Ku Maray In Sharciga La Horkeeni Doono Shaqsiyaadkii Ka Dan... COMMENTS
|
LINKS
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|