War-Deg-Dega:Wareegii Koowaad Ee Doorashada Somaliya Oo Hada Dhamaaday Afar Murashax Oo Iskugu Soo Baxay Iyo Saadaasha Wareega Labaad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War-Deg-Dega:Wareegii Koowaad Ee Doorashada Somaliya Oo Hada Dhamaaday Afar Murashax Oo Iskugu Soo Baxay Iyo Saadaasha Wareega Labaad
February 8, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Waxaa hadda la soo gaba gabeeyay wareegii 1-aad doorashada Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanada ka qayb qaadanayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa ay gaadhayaan 328 xubnood oo ka kala tirsan Xildhibaanada Labada Aqal oo ku sugan goobta doorashada ay ka socoto.

C/raxmaan Ducaale Bayle, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa waxa uu hadda ku dhawaaqay in wareegii 1-aad ee doorashada uu u soo dhamaaday, codadkana la tiriyey

Sida Muuqata waxaa soo baxay 4 xubnood ilaa hadda inta la hubo oo kala ah:-

Xasan Sheekh Maxamed

Maxamed Cabdillaahi Farmaajo

Sheekh Shariif sheikh Xasan

Cumar Cabdirashiid

21-musharax ayaa maanta ku tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana Musharax waliba uu ku hamiyeyay inuu u gudbo wareega labaad ee Codaynta balse waxaa nasiibsaday afar xubnood.

COMMENTS
LINKS