War Deg-Dega:Maleeshiyo Cali Khaliif Galaydh Ku Weerartay Garoonka Diyaaradaha Ee Buuhoodle Iyo Diyaaradii Uu U Raaci Lahaa Jabuuti Oo Mudo Saacado ah U Afduubnayd | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg-Dega:Maleeshiyo Cali Khaliif Galaydh Ku Weerartay Garoonka Diyaaradaha Ee Buuhoodle Iyo Diyaaradii Uu U Raaci Lahaa Jabuuti Oo Mudo Saacado ah U Afduubnayd
February 5, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in saaka maleeshiyo beeleed uu hogaaminayo nin lagu magacaabo C/fataax Baydan saaka xoog kaga hor istaageen in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee magaalada Buuhoodle hogaamiyaha khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo qoshihiisu ahaa in uu diyaarad yar oo khaas ah ka raaco magaalada Buuhoodle si uu uga qayb galo shirka maalmaha soosocda la filayo in uu magaalada jabuuti uga furmo maamulka Khaatumo iyo xukuumada Somaliland.
Sida uu BBC da u sheegay C/fataax Baydan oo horkacay maleeshiyadan waftigii cali khaliif ayaa sidaasi ay kaga reebeen isaga oo intaasina ku daray in markii danbe ay diyaaradii iska fasaxeen, waxaanu sheegay in aanu Cali Khaliif matalin dadka deegaanka.

COMMENTS
LINKS