War-Deg-Dega:Gaadhi Booyad ah Oo Arday Ku Jiidhay Magaalada Arabsiyo Iyo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Leh Oo Ka Dhashay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War-Deg-Dega:Gaadhi Booyad ah Oo Arday Ku Jiidhay Magaalada Arabsiyo Iyo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Leh Oo Ka Dhashay
February 25, 2017 - Written by Editor:

Arabsiyo(wajaalenews)gaadhi nooca biyaha xambaara ee loo yaqaan Booyadaha ayaa saaka ku  jiidhay  magaalada Arabsiyo afar arday waxaana ka dhashay khasaraha dhimasho hal arday ah iyo dhaawaca sadex arday oo labo ka mid ah xaaladdoodu liidato.

Ardaydan ayaa sida wararku sheegayaan waqtigan shilku qabsaday waxay ku socdeen iskuulka  dugsiga sare ee Arabsiyo kuwaas oo barbar socday wadada laamiga ah oo sideedaba garabmarta iskuulka.

Si kastaba ha ahaatee shilalka ayaa midooyinkan ugu danbeeyay ku badanayay gobolada galbeedka Somaliland tan iyo intii madaxwayne Silaanyo xilka qabtay qadarka Eebe ka sokowna iyada oo loo aaanaynayo burbur laxaad leh oo soo gaadhay wadada isku xidha Magaalooyinka Wajaale iyo Hargaysa iyada oo xukuumadan galab joogta ah ee waqtigeegii dhamaaday muhiimada ay siisay wadooyinka bariga Somaliland waxaana xusid mudan in shilkii ugu xumaa Abid Somaliland uu ka dhacay duleedka Gabilay kaas oo ay ku anfwaayeen 13 oo ruux oo gaadhigii ay saarnaayeen aabu ruux ka badbaadin.

COMMENTS
LINKS