Wafti Wasiiro ah Oo Saaka Arooryadii Hore U Baqoolay Magaalada Dubai | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Wasiiro ah Oo Saaka Arooryadii Hore U Baqoolay Magaalada Dubai
February 18, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaaleenews)waxaa  saaka goor araaoryo hore ah ka baqoolay magaalada Hargaysa wafti kooban oo ka tirsan xukuumada madaxwayne Silaanyo kuwaas oo ku soo jeeda magalada Dubai ee isku taga Imaaraadka Carabta, waftigan oo ka kooban wasiiro ayaa waxa hogaaminaya wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyada oo sidoo kale ay waftiga ku wehelinayaan wasiirka wasaarada arimaha dibada,Maaliyada iyo Safiirka Somaliland u fadhiya wadanka isku taga imaaraadka carabta.

Ma Cada ujeedada rasmiga ah ee waftigan balse ilo wareedyo u waramay shabakadan wararka ee Wajaalenews ayaa sheegaya in ujeedada safarkani la xidhiidho saxiixa rasmiga ah ee wareejinta saldhiga military ee magaalada Berebera laga siinayo dawlada Imaaraatka Carabta kaas oo dhawaan si qabyo ah oo duuduub ah ay u ansixiyeen labada Aqal Baarlamaan.

COMMENTS
LINKS