Wada Hadalkii U Dhexeeyay Maamulka Khaatumo Iyo Xukuumada Somaliland Oo Natiijo Ku Soo Dhamaaday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wada Hadalkii U Dhexeeyay Maamulka Khaatumo Iyo Xukuumada Somaliland Oo Natiijo Ku Soo Dhamaaday
February 11, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Febarwari.11,2017-Warar xaqiiqo ah ee nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in wada hadalkii dalka Jabuuti uga socday dhawrka maalmood dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaaatumo uu xalay soo dhamaaday.

Waxaana wada hadalkan oo ay isku hor fadhiyeen lix xubnood oo ka kala socda dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo kala hogaaminayey gudomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Prof Cali Khaliif Galaydh oo ah horjoogaha kooxda Khaatumo.

Waxaana wada hadalkan uu muddo 4 cisho ah ka socday dalka Jabuuti uu soo dhamaaday xalay fiidkii sida uu noo xaqiijiyey xoghayaha warfaafinta xisbiga UCID mudane Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo shabakada wararka Ramaasnews khadka Telefoonka kula xidhiidhay.

Wada hadalkan u socday labada dhinac ee dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ayaa waxa uu  kusoo dhamaaday jawi is Afgarad iyada oo wada hadalkaasina ay kasoo baxeen qodobo dhawr ah oo ay isla garteen labada dhinacba.

Sidoo kalena intii uu socday wada hadalkan ayaa waxa la sheegay in labada dhinacba ay dib uu eegis ku sameeyeen qodobadii kasoo baxay  kulankii hore ee dalka Itoobiya ku dhex maray labada dhinac,waxaana ay isla gorfeeyeen qodobada hir galay iyo kuwa aan hirgalin,waxaana qodobadii kasoo baxay kulankii hore ka koobnaayeen 11 qodob.

Xoghaye Yuusuf Kayse waxa uu Ramaasnews u xaqiijiyey in waftigan labada dhinac ee dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo oo wada socdaa ay dalka dib ugu soo laaban doonaa maalinta isniinta ee fooda inagu soo haysa iyaga oo kasoo dagi doona madaarka magaalada Hargeysa Cigaal International Airpot.

Gabagabadiin nuxurka qodobada kasoo baxay wajigan labaad ee wada hadalka usoo dhamaaday dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo Ayaan wali la shaacin,waxaana laga yaabaa in waftigan ay sharaxaan qodobada ay ku heshiiyeen marka ay kasoo dagaan madaarka magaalada Hargeysa

 

 

COMMENTS
LINKS