Ururka Somaliland Y-PEER Oo Soo Dhoweeyay Digreetadii Madaxweynuhu ku Shaaciyey in ay 20-ka February Noqoto Maalinta Dhallinyarada Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Somaliland Y-PEER Oo Soo Dhoweeyay Digreetadii Madaxweynuhu ku Shaaciyey in ay 20-ka February Noqoto Maalinta Dhallinyarada Somaliland.
February 18, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Ururka maxaliga ee Somaliland Y-PEER oo ka mid ururada dhallinyarada ka hawl gala guddaha Somaliland, had iyo jeer u heelan horumaring dhallinyarada Somaliland ayaa waxay hambalyo u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo maanta soo saaray degreeto loogu aqoonsaday in ay 20-ka February noqoto maalinta dhallinyarada Somaliland.

Y.PEER

Sidoo kale waxay ururka Somaliland Y-PEER hambalyo u direen dhallinyarada Somaliland meelkasta oo ay joogaan munaasibadda ku xuska maalinta dhallinyarada Somaliland oo ku beegan saadame.

Sidoo kale waxay ururka Somaliland Y-PEER ugu baaqeen dhallinyarada somaliland in ay had iyo jeer ka qayb qaataan horumarka waddanka iyo sidoo kale taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen.

Dhanka kale waxay ururka Somaliland Y-PEER ugu baaqeen ururada ka shaqeeyaa arrimaha dhallinyarada iyo dawladda in ay kordhiyaan dadaalka lagu taageerayo si meesha looga saari dhamaan wax yaabah caqabada ku ah dhalinyarada, gaar ahaan gabdhaha sida gudniinka fircooniga ah.

 

Ururka Somaliland Y-PEER waxay sidoo kale dhiiri galinayaan siw eyn la siga kaashado siidii dhallinyarada loo bari lahaa xirfadaha kale duwan oo ay ku shaqaystaan/shaqo tagaan, si ay ugu baxaan shaqo la’aanta baahsan ee saamaysay dhallinyarada.

bandhige@gmail.com

COMMENTS
LINKS