|
|||||
WAJAALE NEWS
SOMALILAND MAKA FAA’IIDAYSAN DOONTAA FURSADDA ALBAABKEEDA GARAACAYSA?.
February 25, 2017 - Written by Editor:HORDHAC. Waxaynu wada ognahay in dalka Jamhuuriyada Soomaliland uu ka mid yahay dalalka dunida ee saboolka ah, balse haddana ilaahay ku galladay khayraadka ay haysato oo uu ka mid yahay juquraafi ahaan goobta ay ku taalo magaaladda Berbera oo muhiimad aad u wayn u leh, xag military iyo mid dhaqaale labadaba, sida la wada ogyahay Soomaaliland waxay dhanka koonfur galbeed kasoo kulaalaysa marinka baabul mandab oo ah marin biyoodka ay maraan in ka badan %10 1guud ahaan dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dunida oo dhan, siiba kan dhex mara qaaradaha Yurub iyo Eshiya waxa uu teedsan yahay laga soo bilaabo Eritria iyo Jabouti ilaa laga gaadho xeebaha Somaliland ee fooda ku haya gacanka cadmeed oo ah halka laga galo marinkan, intaa marka lagu darro istraatijiyada millatari ee goobtan ayaa goobtan u yeelay ahamiyadeeda dhaqaale iyo milatry oo qayb wayn ka qaata qaabaynta guud ahaan siyaasada dunida 9 . AHAMIYADA MARINBIYOODKA BAABUL-MANDAB IYO GACANKA CADMEED. Taariikhda hadii dib loo milicsado, waxaad ka dheehan kartaa goobtan aynu ka hadlayno ahamiyadeed, ka soo bilow Faraciintii, soo ifbixii/ faafintii diinta islaamka iyo dhaqdhaqaaqii ganacsi ee carbta2 oo dhamaantood aanay suurta gasheen marin biyoodkan la aantii,waxa qiimaha istratiijiyadeed ee goobtan cirka ku sii shareerary Nofamber 1869 markii la daah furay marin biyoodka Suwiis (Suez Canal) ee laysku faruuray badda cas iyo tan medetranian-ka oo ah albaabkii ay kasii gudbi lahaayeen maraakiibta soo maraysa marinka babul mandab iyo gacanka cadmeed, taas oo looga jeeday in marin-badeed toobiya ah loogu helo maraakiibta ganacsi ee ku socota Yurub, ayay aahayd run ahaantii markii ugu horaysay ee ay goobatani noqotay dhabbo-badeed dhab ah oo lagu xisaabtamo, ku darso oo xiliyadii dagaalaka qabaw ee labadii quwadood ee bariga iyo galbeedka oo labaduba u kala danbeeyay, fadhiisinka military ee Berbera xasuuso ama waayeelka waydii odhaahdii caan baxday ee (ka bax oo ka bul dheh), waxa waliba mudan in la xuso in dawladii taliskii Siyaad Barre ay goobtani u ahayd wax uu kula baayactamo daneeyaaysha dunida mararka qaarkoodna waxaabu ku hanjabi jiray inuu kala xidhi doono isku socodka iyo dhaqaaqa ganacsi ee baaxadaa leh ee goobtaa qulqulaya iyaga oo badda cas uga gudbaya marinka suways ( Suez Canal) oo ay dawlada masar cashuur ahaan uga soo xerooto marakiibta marinka suways ka gudbaysa dakhli dhan Lix Bilyan (lix kun oo milyan ) sanadkii, waxa kale oo tusaale kuugu filan ahamayida marinkan in dhamaadkii sanadkii 1956 Mar uu hogaamiyihii masar ee Jamal Cabdinasir ku dhawaaqay in ay la wareegeen isla mar ahaantaana ay xidheen marinka suways waxa si deg deg ah arrintaa uga cadhooday oo gacan ka hadal kaga jawaabay dawaladihii waa waynaa ee reer galbeedka oo ay hor kacayaan igriiska, faransiiska, iyo Israil oo markii horeba meesha ku jirtay, iyaga oo iska kaashanaya inay wax kastaba haku qaadatee dawlada Masar ku dirqiyaan inay furto marinkaa badeedkaa cashuurna qaadato waa dagaalkii loo bixiyay gardaradii saddex geesoodka ahayd ( Tripartite Aggression )3 , u fiirso waxaas oo addun ah ee sidaa loogu loolamay waxay sii maraan gacanka cadmeed iyo babul mandab oo kaabiga u saaran Jamhuuriyada Somaliland, inkasta oo aanay suurta gala ahayn in dawladaha mandiqada ay qaadaan cashuur lamid ah tan dawlada masar ka qaaado haddana wali istraatijiyadii meesha kamay bixin, marka ay u liidato waxa dawladaha mandiqada ee ay kamid tahay Jamhauuriyada Somaliland ay tahay in loo daba fadhiisto oo marti looga noqdo suggida amaanka jiida iyo wixii badeecado ganacsi ee maraya, hadii laga tagi waayo dunidu waa in ay ogaataa oo maanka lagu hayaaa in meeshan dad iyo dawladi joogaan taladeedana gacanta ku hayaan. MAXAA INDHAHA DUNIDA KU SOO JEEDIYAY MANDIQADA Haddaba, hadii aynu ku soo dhawaano ujeedada maqaalkan, Soomaaliland oo qayb libaax ku leh jidaaa aynu soo tilmaanay, hasa yeeshee muddo dheer aad moodaysay in la yasi jiray ama la duudsiyi jiray oo aan lagu qiimayn jirin istratijiyada ay leedahay dhulkeeda iyo badeeduba isla mar ahaan taana sababo dhawro ah awgeed dunidu indhaha ka dul lalin jirtay, in badana door ay xaq u leedahay inay ka ciyaarto mandiqada laga hororsan jiray, arintaa waxa marag u ah oo ugu danbeeyay mashruucii budhcad-badeeda, Si kastaba ha ahaatee sida inoo wada muuqata dhamaan daneeyayashii jiidan gacanka cadmeed gadgadoonka siyaasadeed ee mandiqadu waxa uu ku kalifay (waa sunaha siyaasada eh) inay soomaliland maqaamkii ay mudnayd fadhiisiyaan, hadaba su’aasha waxay tahay, ma laga yaabaa Jamhuuriyada Somaliland in nabsi maalkii ay helli doonto? haa waxa la aaminsan yahay in hadii ay Somaliland si fiican uga faa iidaysato baaxa degga siyaasadeed ee guud ahaan dunida iyo gaar ahaaan dunida ka socda. Hadaba bal aynu hoos ugu daadagno si aynu wax uga tilmaano arrimaha ku soo kordhay dunida ee indhaha caalamka ku soo jeediyay mandiqada.
Arrimahan aynu kor kusoo xusnay ayaa dhamaantoodba ah qaar xasaasi ah mararka qaarna iska hor imanaya una baahan xirfad siyaasadeed si fiican loogu farsamo wado si wixii danta Somaliland ay ku jirto looga soo dhex saaro. Waxa baryahan danbe inoo muuqda ifafaalo dagaal qabow ee Ruushka iyo isbahaysiga NATO 5,4 , waxaad moodaa in quwadaha dunidu ay si aan toos ahayn iyaga oo isugu soo gabanaya dawlado kale oo yar yar ruushka waxaad moodaa inuu gar iyo gardaraba garab siinaayo Iiraan halka maraykanka iyo Iiraan uu xaalkoodu meel xun maraaayo kadib markii uu maamulka cusub ee maraykanu laalay heshiiskii lagu xakamaynayay mashruuca nukliyeerka ee Iiraan, waana sidii ay rabeen dawladaha gacanka carbeed oo hadda ku foogan sidii ay maraykan ugu qancin lahaayeen in mar uun gacanta loo qaado Iiraan si meesha looga saaro, ku darso oo dhanka kale waa iiraan iyo Ruushka eh aad ayay ula socdaan arintaa waana ta keentay in ay qaadaan talaabooyin dhawr ah oo ay kamid yihiin xidhiidhkii ruushka 5 ee iyaga oo gudcur gudaya la xidhiidhay Muqdisho si ay u waydiistaan fadhiisin ay ka samaystaan Berbera iyaga oo ruushkuna balan qaaday inay dhisi doonaan milatariga dalka soomaliya, ka dib markii ay xaqiiqsadeen ogaadeen in aanay Xamar waxba ka qaban karina Hargeisa isku soo shubay sida ay saxafaadu qortay, kuwaas oo waji gabax iyo diidmo qayaxan kala kulmay, arrintaas oo ahayd talabadii haboonayd ee la gudboonayd Soamliland sababta oo ah Somaliland waxay ka biyo diiday qorshihii ruushku maleegayay ee ku ahaa dib u hubaynta iyo qalabaynta ciidanka Somaliya, inkasta oo saxaafada Ruushku arrintaa diidmada ah ka gaabsatay haddana dareenka ay ka qabaan Soamliland waxaad ka dheehan kartaa tilmaanta ay ka bixinayaan iyo sida ay ula muuqato iyaga oo ku Soamliland ku tilmaamaya maamul budhacad badeed, sidii wax ay Berbera lahaan jireen oo Somaliland ka qaaday 6. Bal si aynu u fahano shaxda ay iska daba degayaan quwadahan lolamayaa waxa la wada ogyahay in dhawaan dawlada Imaaraadka Carabtu ay Dawlada Soamliland ka codsadsatay fadhiisin milatari in ay ka samaysato xeebta Berbera, arrintaas oo dawlada Somaliland ay soo ogolaatay, marka si dhab ah loo dhugtana ahayd talaabo haboon oo u adeegysa danaha Somliland xag dhaqaale iyo xag diblomaasiyadeed labadaba, waxaad maanka ku haysaa in dawlada Imaaradku iyo isbahaysiga gacanka carabta ee dagaalka kula jira xuutiyiinta Yaman ee taageerto Iiraan ay fadhiisin kan la mid ah ku leeyihiin dalka Eritria 7 oo aan ka dheerayn gacanka cadmeed danahoodana ay ka fushan karaan, bal is waydii hadaba maxaa ku kalifay in ay kan Berberana ka bar bar furaan? khubarada ku xeel dheer istiraatijiyada caalamiga waxa ay qabaan in arintaa maraykan dabada ka riixayo, isaga oo doonaya ka si aan toos ahayn ula xidhiidho dawlada Somaliland, balse hadana waxa la is waydiin karaa, maxaa kalifayaa inuu Berbera soo hungureeyo madaama oo uu saldhig ku leeyahay Jabouti? Runtii Jawaabtu way iska caddahay, oo waxay iskugu biyo shubanaysaa in jiidan aany u soo dhawaan Ruushka iyo cid kale oo Iiraan taageersan toona, tartanka loogu jirro degsiimada goobaha istraatijiga waxa uu astaan marag madoon ah u yahay dagaal qabow. Dhanka kalen, waxa iyaduna socda dhaqdhaqaaq aad u xoogan oo ay waddo dawlada Somaliya oo dhawaan maamul cusub loo dortay, dhaqdhaqaasi waxa uu salka ku hayaa sidii ay helli lahayd taageero dhaqaale, mid diblomaasiyaded iyo waliba mid milatari 5 oo hellis badan ku noqon kara Soamliland, intaa waxaa dheer dhaqdhaqaaqyo diblomasiyadeed oo ay qayb ka yihiin qaar ka mid ah dawladaha gobolka 10 oo la doonayo in lagaga hortago hirgalinta saldhiga milatry, waxa laga yaabaa dhawaan in lasoo hordhigo qorshayaal ka dhan ah Imaaraadak golayaal ay ka mid yihiin midawga afrika iyo jaamacada carabta taas oo lagu eedaynayo Imaaradku8 inuu khal khal galinayo amaanka mandiqada oo uu kala qoqobayo somaliya isagoo oo meel kaga dhacaya axdigii midawga Afrika iyo siyaasadii jaamacada carabta ee midnimada Somaliya9, qaar ka mid ah dawladaha ay Somaliland jaarka yihiin ee arrintan dabada ka riixaya isla mar ahaantaana ay ku yaalaan xeryo milatari oo ay leeyihiin quruumo kala duwan ayaa sababta ay uga soo herjeedaan saldhigan milatari ee Berbera loo fahmi karaa inay ka war war qabaan in dawlada imaaraadku saamyn ku yeelato dawladahaa kale ee saldhigyada dawladaha jaarka ah ku leh taas oo hadii Imaaraadku ku galaysto hirgalinta saldhigaasi keeni karta inay iyaguna soo diga rogtaan pp ku soo hirtaan Somliland oo marka horeba kaga haboonayd balse aqoonsi la’aanta awgeed caalamka lagu khuukhin jiray. Dawladahaas gobolka ayaa waxaa saldhigyadaasi ay kireeyeen ka soo gala dakhli badan oo siyaabo kala duwan ugu soo xareedo ayaa waxyaabaha ay ku soo jiitaan daneeyayaasha waxa ka mid ah nabada, balse hadana dhulka oo ku yar, dabeecada deegaan iyo cimilodooda oo qalafsan awgeed ka walaacsan in laga digo rogto. SOMALILAND IYO FURSADDA HOR TAALA Haddaba waxa hubaal ah in fursado aad u qaali ah oo ka dhashay gadgadoonka siyaasadeed ee mandiqadu ay garaacayaan albaabka Somaliland waxaanay ku soo beegantay xiligii ku haboonaa ee ay Somaliland u baahnayd dhaqaale iyo xidhiidha calaami ah oo ay iskaga bardaamiso kuwa ay samaysanyso dawlada Somaliya, waxa hubaal ah in ku gacan saydhkii Ruushka iyo soo dhawayntii Imaaraadu labaduba ahaayeen talaabooyin ay dawalada Somaliland ay dhanka saxda ah u qaaday oo danta dalka iyo himilada dadwaynuhuba ku jirto, taas oo bar bilow u noqon karta xidhiidho caalami ah oo ka heer sareeya kuwii hore oo dhan isla markaana gogol xaadh u noqon kara aqoonsi hor leh, hadii aad u fiirsato warbaahinta carabta siiba dawladaha khaliijka, kuwa dawlada iyo kuwa madaxa banana labaduba waxa aad ugu batay soo hadal qaadka Jamhuuriyada Somaliland oo ay dhif iyo nadir uga hadli jireen waxay ay bedeleen qaabkii ay u sifayn jireen Somaliland kuwaas oo si aan hore looga baran ugu yeedha magaca Jamhuuriyada Soamliland, dhinacyada qaar ayaa ku eedaynaya imaaraadka inuu labadii sanno ee ina soo dhaafay six ad dhaaf ah u buunbuuniyay Somliland. GABA GABO. Sida aynu wada ognahay quruumaha dunidu waxay ay samaystaan xidhiidho kala duwan oo mar walba ay sal u tahay danaha qaramadoodu, isla mar ahaantaana mid kastaa ka kale dhaafsado waxayaabo uu baahan yahay balse aanu haysanin, waana sababta ay muddo dheer Soamliland ugu jirtay ku jirtay go’doonka siyaasadeed taas oo aanay cidina ka dhex arki jirin danahooda, balse hadda waxaad moodaa in jaaniskaasi u soo gacan galay, waxaanay u baahantahay in wanaagsan ay u soo dhawayso una maamusho jaanisyadan, hadaba gaba gabadii maqaalkan waxaan ku soo gunaanadayaa qodobadan tala bixinta ah ee arrintan ku saabsan.
TIXRAACYADA LAGA SOO XIGTAY MEELO KA MID AH MAQAALKAN
Mohamed H. Ahmed Email: m.hussein2012@hotmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|