Somaalilaan Sidan Ma Ku Sii Socon Kartaa? Maxamed Aadan Tarabbi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaalilaan Sidan Ma Ku Sii Socon Kartaa? Maxamed Aadan Tarabbi
February 12, 2017 - Written by Wariye:

Ma u istaagi karnaa inuu sharcigu sarreeyo oo ma diidi karnaa wax kasta oo aanu sharcigu ogglayn.
Maxaa keenay in qofkii waxbartay uu caddaalad ku waayo shahaadadiisii, oo kii aan waxbaran uu xafiisyadii iyo ilihii dhaqaalaha uga soo dhex muuqday?

Maxaa keenay in dhalinyaradii iyo xooggii dalku ay ka aamin baxaan siyaasiyiintii iyo haggaamiyayaashii waddanka iyagoo u arka inaanay dantooda wadin.

Maxaa loo waayey hoggaan daacad ah oo u ilaaliya amaannada iyo hantida ummadda ka dhaxaysa? Maxaa keenay in salaadiintu ay ku milantay nidaamkii dawliga ahaa, iyagoo sharcigii ku tuntay oo qaab beelaysan u manaafacaadsaday xilkii dhaqanka ay u hayeen?
Maxaa keenay in golayaashii qaranku lahaa ay noqdaan kuwo la kala dhaxlo, sida Guurtida oo 71-in ka badan ay daaqadda ka soo gashay? Iyo golihii Wakiillada oo noqday goob huryo.

Maxaa keenay 26-sannadood kaddib dhalinyaradeennii iyo ubixii waddanku lahaa ay shaki ka muujiyaan jiritaankooda ummadnnimo, iyagoo farta ku fiiqaya ganacsiga qaawan iyo boobka ay wadaan masuulyiinta dawladda ee heer kasta?

Maxaa keenay in wiilka Laascaanood jooga ee Hargeysa wax ku bartay uu gurigiisa ugu haysto calanka Soomaaliya, una dabbaal dego Farmaajo oo aanu waligii arag, saw uma eka in farriinta hoggaankeennu aanay dhagaha dadkeenna galin maxaa sababay?

Maxaa keenay 26-sannadood qoor weyntii iyo garaadadii Sool iyo Buuhoodle aanu qof ina la jooggin?

Maxaa keenay 26-sannadood qoor weyntii iyo garaadadii Sool iyo Buuhoodle aanu qof ina la jooggin?

Dadka reer Soomaalilaan haddii hantidooda la boobo, oo ay caddaal waayaan oo sinaanta muwaadiniintu meesha ka baxdo la na sharfi waayo ma ku joogayaan waa laydin xasuuqay?

Maxaa keenay in Gobolka Awdal oo ah hooyada Soomaalilaan uu maanta ku doodo in la xasuuqay oo uu taallo dhisanayo, xukuumadda iyo waxgaradka Soomaalilaan ma ka shaafiyeen arrinkan reer Awdal?

Suurto gal ma tahay in maanta dhalinyaradeenna qaarkood marka ay shaqo ka buuxsadaan hay’adaha dawliga ah inay ku buuxsadaan xaafado aanay degganayn si ay shaqo u helaan, waayo waxay arkeen inaan xaafaddooda iyo meesha uu deggan yahay shaqo la gu siineen. Waana ta keentay manta in wasaaradihii qaranku lahaa qaarkood ay ka shaqeeyaa %90 dad isku qabiil ah oo isku xaafad ah.

Qofka muwaadinka ah markuu arkayo qof shalay sabool ahaa oo maanta ka taajiray xoolihii dadweynaha. Ee teleefan la ga qaban waayo, xafiiska la ga furi waayo, waddo, biyo, caafimaad midna aannu haysan, oo kii miyiga joogay gaajo iyo harraad u dhinto, oo dumarkii isku dhintaan, wasiirkii la magacaabayna V9-afka la taago, muwaadinkaa saw wax badan oo waxyeello ah ma geysan karo?

Waxaynu u baahannahay inaynu isweydiinno doorka aqoonyahanka iyo dhalinyarada Soomaalilaand u bannaan maanta, waa maxay kaalinteennu?

Anigu waxaan u arkaa lix tiir haddii aynu taagno oo tacab badan galinno inaynu ka tagi doonno aayatiin laynooga aayo iyo maamuus uu waddankeennu helo.

1. Inteenna siyaasadda ku jirta gaar ahaan axsaabta mucaaradka ma waxaynu galnay mehered nin iska leeyahay, oo aynaan talo iyo tuslaale ku lahayn mise waxaynu ku jirnaa kaalin aynu ugu adeegi karno bulshadeenna?

2. Ma u istaagi karnaa inuu sharcigu sarreeyo oo ma diidi karnaa wax kasta oo aanu sharcigu ogglayn.

3. Ma abaabuli karnaa muddaharaaddo aynu ku diidno tallaaba kasta oo aynu u aragno musuqmaasuq iyo caddaaladarro.

4. Ma qaban karnaa kulanno siyaasi ah oo fargaarayaasha ka dhaca oo farta ku fiiqaya hadba wixii u baahan in la faalleeyo.

5. Ma suurto galin karnaa inaynu si toos ah u diidno qaraabo kiilka iyo qabyaaladda innagoo u codkeenna ugu hiilinayna si muuqa qofkii caddaaladarro tirsada.

Dhalinyyarada waxaan leeyahay ha niyad jabina dalka innagaa iska leh waa inaynu hagaajinno oo aynaan taageero siin kuwa mustaqbalkeenna iyo ka carruurteenna cunaya. Waxaan idinku dhaafayaa tixdii Ibraahin Gadhle oo idiin noqon doonta xasuus iyo horusocod.

“Laba daan dhexdoodiyo
Dalqo bahal qof galayoo
Dirqi iyo tu fool adag
Dibadda uga soo baxay
Halkii shalayto la gu dilay
Ma dareemi waayee
Durba miyaa illowdeen”

Markale waa kii Ibraahin Gadhle ina la haa isla maansada Dirsooc

“Dhiiggii la daadshiyo
Wixii dooxa mayd yiil,
Durba miyaad illowdeen
Dayuuradihii lalaayee
Dusha kaa rushayn jiray”

Wuxuu intaa ku daray:
“Waxa durugsan ee kale
Nin damiirli uma naco
Daab gudimadiisee
Shaadhkaaga duugga ah
Yaanu damacu kaa furin

Maxamed Aadan Tarabbi
Bulay571@gmail.com
Saint Louis, USA.

COMMENTS
LINKS