Siyaasiga Ban fadhiga ah Ee Jamaal Cali Xuseen Oo Maalinta Bari ah Si Rasmiya Ula Midoobaya Xisbiga Kulmiye Iyo Qorshihiisa Taageero Raadin Oo Kusoo Ururay Berbera + Saamaynta Ay ku Yeelatay Digniintii Xisbiga Ucid. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasiga Ban fadhiga ah Ee Jamaal Cali Xuseen Oo Maalinta Bari ah Si Rasmiya Ula Midoobaya Xisbiga Kulmiye Iyo Qorshihiisa Taageero Raadin Oo Kusoo Ururay Berbera + Saamaynta Ay ku Yeelatay Digniintii Xisbiga Ucid.
February 5, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa (wajaalenews) garabkii uu hogaaminayay Jamaal Cali Xuseen ayaa maalinta bari ah si rasmiya ula midoobaya xisbul xaakimka Kulmiye, xaflad aad u balaadhan oo xisbiga Kulmiye ku kharash garaynayo xoolaha Umada ee abaaruhu ragaadiyeen ayaa la filayaa in maalinka bari ah ka dhacdo magaalada Hargaysa.

Xafladan ayaa ah mid uu Jamaal Cali Xuseen ku muujinayo Cududiisa Taageero waloow ay bulshada Somaliland u aragto hogaamiye ku fashilmay golaha Siyaasada maadaama uu ka soo hadhay garab rifmay oo tusaale ahaan markii xisbiga Ucid u kala Jabay labada garab uu hanan kari waayay garabkiisii isaga raacay taas oo markii danbe keentay in garabkiisii ku biiro xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani isaguna Sidaasi uu ku noqday siyaasi banfadhi ah oo hanan kari waayay siyaasada garabkii raacay, waxaanay tani tusaale cad u noqotay jaahil nimada siyaasada ka haysata Jamaal Cali Xuseen oo aqoonta saxda ah ee uu hibada ku lahaa ahayd xisaabinta bangiyada iyo qorista buugaagta diiwaanka qosolka.

jamaal iyo muuse

Xafkadan ayaa sida la iclaamiyay waxay ka qabsoomi doontaa Hotel Maansoor ee magaalada hargaysa, xafladan ayaa ku soo beegmasa xili xisbiga Ucid maalinkii shalay go,aano adag ka soo saaray xildhinaanada golaha deegaanka ee ku abtirsada xisbiga Ucid oo ku kala jira degmooyinka kala duwan ee dalka iyada oo ay xusid mudan tahay in qaarkood ay maayir ka yihiin degmooyinka waawayn ee darajada A.

Jamaal Cali Xuseen ayaa hore u soo maray qaar kamida gobolada dalka kuwaasi oo uu ugu gogol xaadhayay sidii uu u hantiyi lahaa xildhibaanada golaha deegaanka ee ku abtirsada xisbiga Ucid ama ka soo baxay xisbiga Ucid isaga oo jamaal ka codsaday in ay ka mid ahaadaan xisbiga Kulmiye oo uu isagu xiligan ku biirayo, waxaanu Jamaaal Cali Xuseen Nidar Ku maray in uu khaasatan xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Berbera ee ka soo baxay xisbiga Ucid uu sitoosa ugu shubi doono xisbul xaakimka Kulmiye. Sidoo kale Jamaal ayaa ololihiisii ku soo ururay berbera iyo gabiley kuwaasi sida xogahani tibaaxeen I uu xildhibaanada qaar u balan qaaday in hadii ay raacaan uu siindoono qadar lacaga balse qorshihiisa ayaa ah mid ay suurto galtahay in uu galaafto xidhibaan nimadooda,

Si kastaba ha ahaatee xildhibaanada golaha deegaanka ee ka soobaxay xisbiga Ucid ayaa dagaal xoog leh ka dhex abuuray amaba dib u soo celiyay khilaafkii iyo ficiltankii ka dhaxayn jiray Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali waraabe, waxaana haatan bilaabmay dagaal ay saanad u yihiin xildhibaanada Golaha deegaanka ee ka soo baxay xisbiga Ucid oo xilligan ka dhex qarxay xisbiyada Ucid iyo Kumiye kuwaasi oo ay musdanbeed u yihiin garabyadii ku hirdami jiray xisbiga Ucid waa jamaal iyo Faysalee.

 

COMMENTS
LINKS