Shirkii Jabouti Uga Socday Xukuumada Somaliland Iyo Khaatumo Oo Galay Maalinkii Labaad Iyo Jawi Isfaham Oo Muuqda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkii Jabouti Uga Socday Xukuumada Somaliland Iyo Khaatumo Oo Galay Maalinkii Labaad Iyo Jawi Isfaham Oo Muuqda
February 8, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)xukuumada Somaliland Iyo Maamulka Khaatumo ayuu maalinkii shalay ahaa wada hadal uga furmay wadanka Jabuuti, wadahadalkan oo maalintaa shalay u badnaa isasoo dhawayn iyo mahadnaq ayaa manta galay maalinkii labaad,waxaana maanta garnaqsi badan labadan dhinac jilbaha isku dhigeen iyaga oo masuuliyiinta dhinaca khaatumo soo bandhigay tabashooyin gaamuray oo ay qabeen dadka deeganada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle, waxaanay wararku sheegayaan in shirku wali ku jiro jawi isfaham badan ka muuqdo.

Shirkan ayaaa sida qorsshaysan socon doona ilaa maalinta bari ah kaas oo lagu hanwayn yahay in midho ka soo baxaaan kaas oo dawo u noqon doona nabadgalyada iyo mustaqbalka dadka Sool,Sanaag Iyo Buhoodle iyo dhamaanba shacabka Somaliland

COMMENTS
LINKS