Shirkadda Dp World Ee Maalgelinyasa Dekedda Berbera Oo Shaqaalihii U horeeyay Oo Boqolaal Ah Shaqadii Ka Eriday Iyo Liiska Tirada Shaqaalaha Ay Qaadatay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkadda Dp World Ee Maalgelinyasa Dekedda Berbera Oo Shaqaalihii U horeeyay Oo Boqolaal Ah Shaqadii Ka Eriday Iyo Liiska Tirada Shaqaalaha Ay Qaadatay
February 21, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)   Shirkada Macaash Doonka ah ee Xukumada Madaxweyne axmed Siilanyo Dekeda Berbera ka Kireysay ayaa durbaba markii ay xaqoodii qaateen shaqadii ka caydhisay shaqaale tiradooda lagu sheegay 270 shaqaale ah kuwaas oo kamid ahaa(800)oo shaqaalaha Dekeda kamid ahaa.

Shaqaal;aha la eryay ayaa waxa  erigooda la soo dhajiyay kadib markii ay laba maalmood uu kadib qaateen xaqoodii ama xuquuqdii shaqaalenimo ee ay dawlada mudada dheer ugu soo shaqeynaayen.

shaqalaha la eryay ayaa laga reebay magacayadooda liiska shaqaalaha rasmiga ah ee shirkada DP World qadatay oo lagu soo dhajiyay afaafka hore ee Dekeda iyo xafiiska maareeyaha Dekeda Berbera waxaana shaqaalaha deked berbera lagu wargaliyay in qofkii liiskaas iska waaya shaqada laga eryay oo aanay shirkada DP World qaadanin sidaasna shaqada lagaga caydhiyay sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamida shaqaalaha shaqada laga eryay.

shaqaalaha la eryay ayaa noqonaya wajigii koowaad ee shaqaalaha Dekeda ee shaqo ka caydhinta lagu samaynayo iyada oo dhawaan ay shirkada DP World ee macaash doonka ah ee Dekeda Berbera la wareegtay samayn doonto daraasado caafimaadka shaqaalaha iyo da,da ama Cimriga  ah la xidhiidha kuwaas oo sida xogaha aanu helaya sheegayaan la eryi doono shaqaalaha aan buuxinin shuruudaha caafimaad iyo kuwa da,ahaaneed ee shirkada PD World ku xidho.

Sidoo kale waxa iyana la sheegayaa in ay shirkadu shaqaale Ajinabi ubadan Dekeda Berbera keeni doonto kuwaas oo ubadan hindi iyo Chinese kamida shaqaalaha shirkada uga shaqeeya Dekedaha ay maamusho ee caalamku kun yaala shaqaalahaas Ajinabiga ah oo qaarkood hadaba Berbera joogaan.

Eriga shaqaalahan Dekeda Berbera ee dagdaga ah ayaa kusoo beegmaya laba maalmood uun  kadib markii ay qaateen xuquuqdoodii shaqaalenimo ee ay qaranka ugu shaqaynayeen.

Wasiirradii dhawaan keenay lacagta xuquuqda shaqaalaha ee xukuumada ka tirsan iyo maamuulka Dekeda Berbera ayaa ilaa markii uu soo baxay warka sheegaya in Dekeda Berbera shirkada DP World laga kireeyay ku celcelinaayay in aanay dhici doonin shaqaale kamida kuwa Dekeda Berbera oo la eryi doonaa in la kordhiyo mooyaane.

Wararka aanu helay ee kale ayaa sheegaya in aanay Dekedda soo gali doonin  shaqaalaha aanay magacyadoodi ka muuqanin liisaska ay shirkada DP World soo dhijisay ee shaqada laga caydhiyay

Takaabadan ay qaaday shirkada DP World ayaa noqonaysa hadimadii iyo dhgiibaatadii koowaad oo bhilaw ah oo ay ugaysato shacabka Somaliland iyada oo la filayo inay shaqaalahan faha badan ee Dekeda Berbera noloshoodu ku tiirsanayd intooda badan caydhin doonta.

Ilaa Hada Maamulka Dekeda Iyo Shirkada DP World tooona may sheegin sababta keentay shaqo ka caydhinta Deg Dega ah ee shaqaalaha shaqada laga eryay hase yeshee waxa la sheegayaa in heshiiska lala galay shirkadani sheegayo inay eryi karaan shaqaalaha ay u arkaan inay ka maarmi karaan aan anfici doonin.

 

Halkan Hoose Ka akhri Liiska shaqaalaha Rasmiga ah ee Shirkada DP World sheegtay inay qaadatay.

sawir5 Sawir1

COMMENTS
LINKS