SHARCIGU MUXUU KA QABAA IN SHACBIGU KA HADLO ISBADAL BOOLISKA LAGU SAMEEYO? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SHARCIGU MUXUU KA QABAA IN SHACBIGU KA HADLO ISBADAL BOOLISKA LAGU SAMEEYO?
February 10, 2017 - Written by Editor:

Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland QODOBKA 32AAD, oo ka hadlaya XORRIYADDA BANNAANBAXA, RA’YI – DHIIBASHADA, SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE ayaa ogol.

Waxa kale oo ogol QODOBKA 74AAD oo ka hadlaya SOO BANDHIGIDDA MASHRUUC-SHARCI farqadiisa 3aad oo odhanaya Mashruuc-sharci waxa Golaha Wakiilada u soo bandhigi kara,  Muwaadiniin Ieh xaqa cod-bixinta, tiradooduna aanay ka yarayn 5000 {shan kun } oo qof, waxaana ka reebban mashruuc qaanuun-maaliyadeed.

Marka la eego labada qodob ee aan kor ku soo sheegaynay waxay muwaadiniinta u ogolaanayaan dalbashada mashruuc kasta oo ay dan u arkaan marka laga reebo mashruuc qaanuun-maaliyadeed.

HADA MARXALADA SOMALILAND EE DHINACA AMNIGA IYO XORIYADU WAA SIDEE?

Somaliland waxay noqotay hoy ay usoo cararaan oo ku noolaadaan kuna nafisaan cidkasta oo kasoo cararta dhulka Soomaalidu dagto kuwaas oo inta badan ka cawda amni daro, xoriyad la’aan iyo waliba tacadiyo dhanka bani’aadanimda ah oo ay u gaystaan maamulada ka jira dalalkoodu ama maamuladoodu.

Waxa ka jira nidaamka suuqa xorta ah, xoriyatul qawl haba kala dhinaato’e, iyo ta ugu muhiimsan oo ah xoriyada uu haysto qof walba oo sharciga ixtiraamay, kaas oo aan socodkiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa cidina xakamayn.

Hadaba inladalbado isbadal lagu sameeyo iyo in sidaa lagu wado nidaamka booliska Somaliland waxay ku xidhan tahay hadba shicibku dhinaca ay ka eegaan. Cidii dalbata in isbadal lagu sameeyo nidaamka booliska waxay rabaan uun sidan si kasiifiican in lahelo (Faraska waxa usha loogu dhuftaa inuu ka siibadiyo)

 

ALLA MAHADLEH

Aqoonyahan Abdirahim Midnimo

COMMENTS
LINKS