Saqbadhkii Xalay Somaliland Waxay Gashay Meel la’aan(Vacuum) uu Gudoomiyaha Guurtidu si Badheedha iyo Ula kac ah u Geliyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saqbadhkii Xalay Somaliland Waxay Gashay Meel la’aan(Vacuum) uu Gudoomiyaha Guurtidu si Badheedha iyo Ula kac ah u Geliyay
February 28, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Ka dib saqbadhkii xalay Somaliland waxay gashay meel la’aan(Vacuum) uu Gudoomiyaha Guurtidu si badheedh iyo ula kac ah u geliyay markii ugu horeysay taariikhda Somaliland ilaa 1991kii. Madaxwaynuhu Maxkammadda sare wuxu u gudbiyay qoraal uu ku lifaaqan yahay muddo kordhintii lagu wada heshiiyay. Ka dib Maxkamadda Sare waxay ku amartay Golaha Guurtidu inay ka gutaan waajibkooda dastuuriga ah. Lakiin nasiib darro Gudoomiyaha Guurtidu mudadii sharciga ahayd wuu ka warwareegay in Golaha oo Fadhiyay uu hordhigo si uu uga kaguto waajibkiisa dastuuriga ah. Dastuurku wuxu xadiday taariikhda muddo kordhintu inay noqoto marka ay bil ka hadhay taariikhda loo cayimay inay doorashada oo ahayd 28/3/2017. Markaa waxay ahayd bishan 27keedi in go’aanka Muddo kordhinto ee Guurtidu uu soo baxo. Ma soo bixin taariikhdii doorashadana waxa ka hadhsan wax ka yar bil. Markaa waxa bilaabmay political vacuum. Maxaa xal ah? Maxaase saacadan aynu joogno sharci ah ee jira marka aynu raacayno Dastuurka Somaliland? Sharciga Somalilandse muxuu ka yidhi marka ay tan oo kale dhacdo. Kolay xaajadani waa ugub oo wax hore inoo soo maray maaha. Bisha kala guurka iyo taariikhda qabashada doorashadu wax shuqul isku leh maaha Dastuuruna hadii aanan qaldanayn taariikhda loo cayimay Doorashada marka ay bili ka hadhsan tahay waa in Goluhu Muddo kordhin wakhtiga ay ku qabsoomi karayso doorashadu. Waxa laga yaabaa in Gudoomiyuhu ugu jiro olole sidii ugu qancin lahaa dhamaan xubnaha Golaha lahaa muddo kordhin aan loo baahnayn oo inta uu doonayo ah.

 

Muj. Cali Guaray

COMMENTS
LINKS