Raysal-Wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Waftigii Uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Ee Xukuumada Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal-Wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Waftigii Uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Ee Xukuumada Somaliland.
February 9, 2017 - Written by Editor:

Addis Ababa-(W,N)- Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya Md. Hailemariam Desalegn ayaa  maanta  xafiiskiisa ku soo dhoweeyey Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md.  Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigii uu hogaaminayey ee xukuumada Somaliland ka tirsanaa, oo maalintii salaasadii martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen socdaal ku jooga dalkaa.

muuse biixi iyo raysal wasaaraha itoobiya

Kulankan Raysal-wasaaraha Itoobiya Md. Desalegn & Gudoomiyaha Kulmiye Mr. Biixi  ee maanta oo Safiir-xigeenka safaarada Jamhuuriyada Somaliland ku leedahay dalka Itoobiya Amb. Ayaanle Salaad Diiriye u xaqiijiyey tifatiraha  shabakada Somalilandspan, Maxamuud Cali Walaaleeye, ayuu raaciyey inay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi & dhamaan xubnahii wefdiga Somaliland ee Socdaalka ku joogay dalka Itoobiya, halka dhinaca Itoobiyana ku wehelinayeen Raysal-wasaare Md. Desalegn wasiiro ka tirsan xukuumadiisa.

Kulanka oo saacado badan qaatay, isla markaana labada dhinac kaga wada xaajoonayeen xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada wadan, ayaan  tafaasiil dheeraad ah  aan laga helin

 

COMMENTS
LINKS