Musharax C/raxman Ciro Oo Galabta Booqasho Ku Tagay Guriga Salaadiinta Beelwaynta Subeer Awal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharax C/raxman Ciro Oo Galabta Booqasho Ku Tagay Guriga Salaadiinta Beelwaynta Subeer Awal
February 9, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa galabta booqasho ku tagay guriga salaadiinta Beelwaynta Subeer Awal oo ku yaala agagaarka Hotel Mansoor ee magaalada Hargaysa.

Booqashadan ayaa sida la sheegay ahayd mid kadis ah ayaa waxaa uu kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay salaadiin,Mujaahidiin,Ganacsato Iyo Odayaal Ku Sugnaa guriga.

Wali Ma Cada Ujeedada rasmiga ah iyo waxa ay kawada hadleen musharax Ciro iyo Labeentan Subeer Awal balse booqashan ayaa ku soo beegmasa xili ay cakiran tahay qadiyada Saldhig military oo wadanka isku taga imaaraadka carabta Laga siiyo magaalo xeebeede Berbera iyada oo 12 ka bishan la filayo in labada gole baarlamaan eeSomaliland la horkeeno mooshinka saldhigaas military.

Si kastaba ha ahaatee gurigan salaadiinta beelwaynta Subeer Awal ayaa ah guri ay inta badan iskugu yimaadaan labeenta beelwaynta Subeer Awal oo ay kukala qaataan kolba wixii war iyo waayaba jira.

COMMENTS
LINKS