Muj Cali Guray Oo Si Qotodheer Uga Hadlay Xaalada Somaliya Iyo Doorashada Madaxwaynaha Cusub + Saamaynta Daneeyayaasha Arimaha somaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muj Cali Guray Oo Si Qotodheer Uga Hadlay Xaalada Somaliya Iyo Doorashada Madaxwaynaha Cusub + Saamaynta Daneeyayaasha Arimaha somaliya
February 8, 2017 - Written by Editor:

Yaa yidhi Somalia kama soo rayn karto?

Somalia waa markii labaad ee dawlad lagu doortay ama lagu dhisay dalka gudihiisa. Markii ugu horeysay waxa lagu doortay dawladda uu hogaaminayay Madaxwaynaha xilka ka degay, Xasan Sheekh Maxamuud. Sida la ogyahay Xasan Sheekh wuxu ku soo baxay farogelin dibadeed isaga oon hore loogu aqoon siyaasadda ee markii ugu horeysay uun ay ahayd kana bilaabay jagada Madaxwaynaha. Waxa loo arkayay nin kooxeed oo ay ka dambaysay koox-diiimeedka Al-islaax(Demjadiid) loo yaqaan oo gacan-saar la leh kooxo kale oo islaamiyiin ah iyo dawlado shisheeye.

Madaxwaynaha cusub ee maanta lagu doortay Muqdisho maaha wax aan la filaynin, sidii Madaxwaynihii isaga ka horeeyay, laakiin waxa keliya ee aan la hubin saamaynta ay ku yeelan karayeen labada arin ee inta badan ugu muhiimsan siyaasadda soomaalida marka ay tahay xiliga doorashada oo ah Qabyaaladda iyo Lacagta iyo weliba farogelinta tooska ah ee dawladaha kale ee danaha ka leh arimaha Somalia, hadii ay yihiin kuwa jaarka, Carabta iyo weliba reer galbeedka. Mudadii ololaha lagu jiray hadaladii Muqdisho ka soo duulduulayay isagu(Farmaajo) kumuu jirin kuwii ay farta ku godayeen in dawlado kale ay wataan ama uu gacansaar la leeyahay oy lacag la daba joogaan. Dhinaca kale muu ahayn musharax reer isku soo raacay oo keligii ka sharaxnaa. Hadana way muuqatay in taageero mug leh uu haystay sidii ka muuqatay madashii maanta sua’aashu markaa saw maaha siduu ku kasbaday taageerada intaa le’eg? Marka ugu horaysa sidii looga bartay doorashooyinka Somalia way noqon waydan doorashadani oo lacagtii baa shaqayn wayday, qabyaaladii baa shaqayn wayday, oo xataa farogelintii shisheeyaha ayaa shaqayn wayday. Waxa shaqaysay is xulafaysi aan qabiil ku dhisnayn oo la magic baxay ISBEDELDOON oo cid walba lahaa oo ku heshiiyay kow in Xasan Sheekh aanu mar kale ku soo noqonin kursiga madaxwaynaha, laba in marka ugu horaysa ee la tartamo ee la arko musharaxa ugu taageerada badan ay xulafada Isbedeldoonka isaga ku biirto si Xasan Sheekh meesha looga saaro. Sidii ayaanay horta u dhacday.

Hadaba aragtida is bedelku marka hore ma adka in lagu midoobi karaa marka ujeedadu tahay in shakhsi la doonayo in debedda la dhigo la isu xulafaysto, balse marka isbedelku yahay mid qaran loogu danaynayo oo lagu bedbaadinayo dabcan sheekadu kuma dhamaanayso in hebel laga takhalusay ee waa lagama marmaan in aragtidii isbedeldoonka ficil loo rogo si looga midho dhaliyo, waana arinka ugu adag ee u yaala Madaxwaynaha cusub. Marka aan eego intii la tartamaysay waxan is leeyahay kumuu jirin marka xaqiiqada laga hadlayo mid la is odhan karo wuu kaga haboonaa in uu samayn karo ama hogaamin karo isbedelka maanta Somalia ay u baahan tah, balse ma dhib yara oo Somalia midaysan oo dal ahiba ma jiro. Xaaladda amniga ee Caasimada Muqdisho waa la og yahay xataa Ciidanka jooga milatari, Bilaysba, Nabadsugid iyo kuwa kaleba maaha Xoogag Amni Qaran oo midaysan ama loo wada dhan yahay. Somalia wax ka jira Madaxwaynayaal kale oo midibi gobolo haysto oo isagu madaxwayne ka yahay oon runtii la malayn karin waxa ay yeeli doonaan iyo xidheedhka ka dhexayn kara iyaga iyo Madaxwaynaha Dawladda Fedaraalka marka uu lxilka la wareego Farmaajo.. Hadaba madaxwaynaha la doortay marka aad eegtid duruufaha ku xeeran ee Nabadgelyo. Siyaasad. Bulsho iyo Dhaqaaleba hadii aan lala shaqayn ee laga shaqeeyo waxa ka hor iman doona carqalado badan oo sida uu uga gudbi karaa ay adkaan doonto.

 

Si kastaba xaalku ha noqdo eh Madaxwaynaha csubi wuxu haystaa fursado aanu haysanin Madaxwaynihii uu bedelay ee Xasan Sheekh. Marka hore saamaynta Xasan Sheekh uu ku lahaa Somalia waxay ku koobnayd magaalada Muqdisho iyo kooxda Demjadiid. Lakiin Madaxwaynahan cusubi wuu ka saamayn waynaan karaa intii Xasan Sheekh marka ay tahay dhinaca khilaaf xalinta iyo dibu heshiinta oo ah furaha xal u helista dhibaatada Somalia. Tusaale ahaan wuxu soo af jari karaa khilaafka dhinacyada isku hayay Gobolada Dhexe oo salka ku hayay kooxaysi oo aanu Xasan sheikh dhex ka ahayn jirin ee dhinac ahaa marka laga hadlayo khilaafka Demjadiid iyo ”Ahlu Sunna Wal Jamaaca” oo aan is leeyahay meesha wuu ka saari karaa. Wuxu Xasan Sheekh uga faro dhuudhuuban yahay inu xal u heli karo khilaafka labada maamul ee Puntland iyo Galmudug oo uu labadaba yahay. Xataa Khilaafyada ka jira gobolada koonfurta Somalia laftooda isagu nufuud aanu Xasan Sheekh ku lahay ayuu ku yeelan karaa marka ay tahay Jubaland iyo Koonfur galbeedba hadii wada shaqayn wanaagsan iyo taageero ka helo labadooda maamul oo marka la isku daro lixda gobol ee koonfurta Somali(Ex Upper and Lower Juba)ay hoos tagaan.

Halka ugu adkaan doonta Madaxwaynaha cusub ee Somalia waxan is leeyahay waa Muqdisho hadii aanu taageero buuxda ka helin dadka Muqdisho iyo agagaarkeeda dega.

Ugu dambaystii dhinaca Somaliland xidheedhka uu la yeelan karaa wuxu noqon karaa wada hadal run ah. khilaafka u dhexeeya Somalia iyo Somalilandna wuu garanayaa in aanu lahayn xal kale oon ahayn Xal Siyaasi ah. Markaa waa sidii hore hadii hore in uu sii wado wadahadal I jiid aan ku jiido ah iyo in uu runta ku dheeran karo oo sidii hore wax laga bedeli karo. Waayo hadii si kale oo wax loo maarayn karo la waayo ugu dambaysta kama fursan doonto in afti ay Qaramada Midoobay goobjoog ka tahay laga qaado dadka Somaliland oo isu dhan. Taasi ciddii diidaana iyada cirka roob ku og.

Caligurey

COMMENTS
LINKS