Maxaa Isku Beega Soo Dhawaynta Farxada Galisa Gudoomiye Muuse Biixi Ee Bulshada Gobolka Gabiley Iyo Siyaasadaha Naxdinta Ku Keena Ee Qasriga Madaxwayne Siiraanyo? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Isku Beega Soo Dhawaynta Farxada Galisa Gudoomiye Muuse Biixi Ee Bulshada Gobolka Gabiley Iyo Siyaasadaha Naxdinta Ku Keena Ee Qasriga Madaxwayne Siiraanyo?
February 17, 2017 - Written by Editor:

Lix Sanno Ka Hor Soo Dhawyntii Baaxada Lahayd Ee Bulshada Gobolka Gabiley Ku Soo Dhawaysay Muj Muuse Biixi Cabdi Maxaa Ka Dhashay ? Maxaase Ka Dhalan Doona Soo Dhawaynta Maanta ?

HARGAYSA (W,N)  Tan iyo Maalintii Madaxwayne Siiraanyo ku wareejiyay Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxay Taariikhdu ka marag kacaysaa in ay isbarbar socdeen Dhacdooyin Farxad iyo Murugo Xambaarsan oo Muuse Biixi kala kulmay xilkaa lagu wareejay waxaana Xusid mudan in Maalintii lagu wareejay Xilkaa uu kaga hal celiyay Weedho Amaan iyo Mahad Naq u badan balse mar kale waxaa Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi Warwar hor leh ku keentay Loolan adag  oo ay ku Tartameen Kursigii lagu wareejay Cabdi Casiis Muxumad Samaale inkasta oo Aakhirkii Muuse Biixi aan lagu Tartamin  sidaana uu ku noqday Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye ee la doortay .

farxada muuse iyo fariinta madaxtooyada

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi uu Qarsan kari waayay Damaciisii Murashaxnimo isagoo Afartan Maalmood Gudahood markuu Xilka hayay Gudoomiye Muuse uu ku Dhawaaqay Damaciisii Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye waxaana xusid mudan in Gudoomiye Muuse Biixi Damaciisii Dag daga ahaa uu kala kulmay Guul darro ku keentay oo uu kaga Jawaabay Hadalo Taariikhda u galay.

khatarta kulmiye

Hadii aan u soo noqdo Dulucda Qoraalkayga Taariikhdu ma duugawdo Waxaana lagama maarmaan ah in la xuso Dhacdooyina Taarikhda ku xusan iyo marxaladihii la soo maray oo laga Saadaalin karo ta maanta iyadoo Taariikhdu ka Marag kacaysa khilaafkii iyo Aragtiyihii kala duwanaa ee isbarbar socday ee Qasriga Madaxtooyada iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyadoo Afkaartaa kala duwanayd ay ku soo Beegmi jirtay Maalmaha uu Farxada ku jiro  Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi waxaana Xusid mudan in Maalin ku beegan 7/6/2011 Muj Muuse Biixi Cabdi si Baaxadleh loogu soo Dhaeeyay Guud ahaan Gobolka Gabiley iyadoo Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale uu ku soo horeeyay isagoo ka soo noqday Safar Dheer oo uu ku tagay Dalka Shiinaha balse waxaa xusid mudan in markii soo Dhawaynta Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi Shaashada Warbaahinta laga arkay uu daawaday Madaxwayne Siiraanyo si dagdaga Go”aan uga qaatay iskuguna yeedhay Gudidii ka soo talo bixinta Ururada Siyaasada  ee soo Ururisay Fikirka ay ka qabaan Bulshada Gobolada iyo Dagmooyinka S/land isagoo Madaxwayne Siiraanyo isla Habeenkaa kaga Dhawaaqay Furitaanka Ururada Siyaasada Dhacdadaa ayaa Muuse Biixi ku noqotay mid Farxadii soo dhawaynta ay uga danbaysay Siyaasad Naxdin ku keenta .

Waxaana iswaydiin mudan Su”aalahan” Maxaa isku beegay Furitaankii Ururada Siyaasada S/land iyo soo dhawaynta Gudoomiye Muuse Biixi ee Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale Lix Sanno ka hor ? Maxaase laga filan karaa Maanta soo Dhawaynta Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ? Soo dhawaynta Baaxada leh ee Bulshada Gabiley iyo Wajaale ku soo dhawaysay Gudoomiye Muuse Biixi ma uga Danbayn doontaa Muddo kordhin ka badan Heshiiskii Sadexda Xisbi Qaran oo Naxdin ku keenta ? Maxayse  Saaxada Siyaasada S/land  ka Badali doontaa Soo dhawaynta Gudoomiye Muuse Biixi ? Mise Go”aan Afganbi ku ah Heshiiska Sadexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka ayuu Gudoomiye Saleemaan ka soo saari doonaa ?

 

Iyadoo Maalmaha soo socda isha lagu hayo Go”aanka Gudoomiyaha Golaha Guurtida ee Saleemaan Maxamuud Aadan uu ka qaadan doono Arinta Muddo kordhinta iyo Heshiiska Xisbiyada Qaranka oo la filayo Labada Talee kala ah 1: haduu qaato uu Ansixiyo Gudoomiye Saleemaan Muddada ay Heshiiska ku yihiin Xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinka ay Farxadiisa Libinlaabi doonto Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi waata Labaade haduu Gudoomiye Saleebaan uu Qalinka ku duugo Muddo Kordhin ka badan Heshiiskii Sadexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka iyadoo Murugo iyo Naxdin hor leh ku keeni doonto Muuse Biixi Cabdi .

Ugu danbayn waxaa Hubaala in Maalmaha soo socda Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ay Murugo iyo Naxdin hor leh hadhayn doonto Maalinta  Gudoomiye Saleebaan Gaal  uu ku dhawaaqo Muddo kordhin Sannad iyo Badh ah iyadoo arintaasi Jawiga Saaxada Siyaasada ee maanta wax badan ka badali doonto ball aan dhawro Waayaha waa Barrito iyo Bill Danbe .

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS