Masuuliyiinta Ugu Sareeya Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Oo Khilaaf Soo Kala Dhex galay Iyo Agaasime Ilka case Oo Noqday Masuul Tiraba Sedex Wasiir Ay Hore Isku Soo Eedeen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masuuliyiinta Ugu Sareeya Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Oo Khilaaf Soo Kala Dhex galay Iyo Agaasime Ilka case Oo Noqday Masuul Tiraba Sedex Wasiir Ay Hore Isku Soo Eedeen.
February 4, 2017 - Written by Editor:

Wasiirka Wasaarada Shaqadda iyo Arimaha Bulshada Iyo Agaasimaha Guud   oo wariyay in uu  khilaaf soo kala dhexgalay iyo Agaasime Ilka Case oo Noqday Masuul Tiraba Saddex Wasiir Hore isku soo Eedeen.

Hargaysa (Wajaalenews) -Agaasimaha Guud Ee wasaaradda shaqada iyo Arrimaha  bulshada Maxamed Cilmi (Ilka Case) iyo wasiirka wasaaradaasi Maxamed Cabdilaahi Obsiiye Oo dhawan madaxwayne siilaanyo usoo magacabay wasaaradan  ayaa la sheegay in durba khilaaf culus oo xaga maamulka ahi ka dhex abuurmay, isla markaana maalmihii u dambeeyey  soo shaac baxay.

WASIIR IYO AGAASIME

Wararka aanu ka heayno khilaafka Agaasimaha iyo wasiirka ayay tibaaxeen  in ay isku hayaan arrimo xaga maamulka ah, iyagoo wararku sheegayaan in agaasimuhu farogaliyey shaqooyin aanu awood u lahayn, taas oo keentay isku dhaca labaddan masuul. Iyo sidoo kale Agaasimaha oo aan badanka kasoo xaadirin shaqada,

Inkastoo labadan masuul aanay wali si cad uga hadal  muranka shaqo ee ka dhexeyaa, haseyeeshee maalmihiii u dambeeyey waxa jiray khilaaf huursanaa oo imika dibada usoo baxay.

Agaasime Ilka Case ayaa tan iyo intii xukuumada siilaanyo jirtay noqday masuulka wasaaradda loo bedelaba ka dhex abuuray khilaaf , waxaana hore isku soo khilaafeen  wasiirkii hore ee warfaafinta Cabdilaahi Cukuse taas oo mar uu wasiirku shaqadda ka joojijiyey, haseyeeshee markii dambe lagu soo xaliyey madaxtooyadda.

Sidoo kale, agaasime Ilka Case ayaa caan ku noqday is qabqabsiga wasiirada, waxa hore looga soo bedelay wasaaradda Kalluumaysiga oo sidan oo kale khilaaf ka dhex dilaacay, taas oo markii la maaray kari waayey loo bedelay wasaaraadda Warfaafinta.

khilaafyadda soo noq noqday ee agaasime Ilka Case iyo wasiiirada ka sareeya iskugu dhaceen ayaa sabab looga dhigay talaabooyin musuq maasuq oo uu ku kaco iyo  awoodo  uu  sheego in uu ka haysta Dhinaca madaxtooyadda.

Xukuumaddan ayaa waxa caaddo ka noqotay isku dhaca masuuliyiinta kala sareeyo, taas oo markii isku murgaan mar walba lagu soo xaliyo madaxtooyadda,  marmarna ay dhacdo in wasaaraddo kale lagu bedelo, halka ay ka hayd in masuulkii khaldanaa talaabo laga qaado.

Sidoo kale Waxaad arkaysa masuul ilaa afar wasaaradood  is qaban waayeen oo hadana wasaarad kale loo bedelayo, taasina waxay shacabku ku tilmaamaan maamul xumo iyo kala dambeyntii shaqada oo ay lumisay xukuumadan Uu madaxwayne siilaanyo gadhwadeenk ka yahay.

WIXII KASOO KORDHA KHILAAFKA LABADAN MASUUL ALA SOCO SHABAKADA WARAR EE WAJAALENEWS

WAJAALE STAFF

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS