|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynihii Hore ee Somaliland Mud. Daahir Rayaale Oo Dalka Ku Soo Guryo Noday
February 6, 2017 - Written by Editor:Hargaysa(wajaalenews)madaxwaynihii hore ee Jamhuuriyada Somaliland Mud. Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Egal International ee magaalada Hargaysa. Mud. Daahir Riyaale Kaahin Oo in mudo ah ka maqnaa dalka ayaa waxa safarkiisa ku weheliya marwadiisa marwo Hudo Barkhad Aaden. Dhinaca kale waxaa madaxweyne Rayaale ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargaysa qaar ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee xisbiga Wadano oo uu hor kacayo musharaxa xisbigaas C/raxmaan Ciro iyaga oo kulan kula qaatay Rayaale qolka nasashada ee garoonka Diyaaradaha magaalada Hargaysa.
Related posts:Xaalada Cisbitaalka Magaalada Jigjiga oo Laga Dayrinayo iyo Koox Dhakhaatiir Ah oo Soo Gaadhay Itoobiya Iyo Qaramada Midoobay Oo Ka Wada Hadlay Xaalada Somaliya Iyo Dib Uhabaynta Ciidamada Amisom... Halkan Ka Daawo-Siyaasi Madax Biixi Yoonis Oo Xukuumada Somaliland Ku Eedeeyey In Ciidamo Tiro Badan... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|