Madaxtooyada Somaliland Iyo Dilaalinta Ay Sida Gaarka Ah ugu Naasnuujiso Xoolaha Umada Oo Soo Abuublay Odayaal Waji ku Macaash Ah Oo Taageera Heshiiska Saldhiga Milateri. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxtooyada Somaliland Iyo Dilaalinta Ay Sida Gaarka Ah ugu Naasnuujiso Xoolaha Umada Oo Soo Abuublay Odayaal Waji ku Macaash Ah Oo Taageera Heshiiska Saldhiga Milateri.
February 13, 2017 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews)-Kadib Markii Maalintii Shalay Ay Madaxtooyada Somaliland Awoodo Sharciga Qaranka  Baalmarsan Ku Jiidhsiisay Golaha Baarlamaanka Somaliland Inay Ansixiyaan Heshiiska Saldhiga milateri ee ay Doonayso Dawlada Imaaraadku inay kagaga sameysato  Magaalo Xeebeedka Madaarka Berbera. Oo shacabka Somaliland Kuwa dhaqan Gobolada iyo degmooyinka Dalku Ay Si Xoogan uga Soo Herjeesteen In Dalka la Keeno Ciimdo Shisheeye oo dalka kusoo kordhiya dhaqamo iyo ficilo aan ku haboonayey dhaqanka iyo asluubta shacabka somaliland ayaa haddana waxaa jira ilaa habeenkii xalay shaqsiyaad isku magacaabay oday dhaqameed iyo salaadiin oo xukuumadu dabada ka riixayso oo dhaafsaday shilimaad loo tuuray inay ku Taageeraan Madaxtooyada Somaliland Ansixinta  Heshiiska ay la galeen Dawlada Imaaraadka,

SAWIR MAAFIYADA DALKA

Waxaa Gudaha Magaalada Hargeisa Lagu arkayey Qaar Kamid  Hotelada waaweyn dilaaliinta madaxtooyada oo isugu ururinaya shaqsiyaad Ay Ku magacaabeen Salaadiin iyo oday dhaqameed ay ku bixisay lacag xadigeedu aad u badan yahay oo ay doonayso inay dadkan waji kumacaashka ah ku taageeraan go’aankaa madaxtooyadu ku sharciyeysatay Saldhiga xaaraanta ah ee shacabku sida fiinta uga qaylyey,

Waxaana Arrinta Jawaab Looga Dhigayaa Codkii Dheeraa Ee Qoorweynta Sandalada habar awal kagaga soo horjeesteen Heshiis ku sheegii dhagaraysnaa ee lagu faro saaray Xildhibaanada Xasaanada leh ee Golaha Baarlamaanka Maalintii Shalay ayaa keentay inay adeegsadaan dad uu ka hadliyey hunguri oo ay u La qimeen Dilaaliinta Xukuumada u qaabilsan arrimaha noocan oo kale oo tvyada soo tuba dad wax ma garatay ah oo loogu dhiibo waxoogaa dhaqaale ah,

Waxaana Talaabooyinka noocan Ah Xukuumadu ku Doonaysaa Inay Shacabka kagaga Dhaadhiciso in loo fahmo in bulshadu soo dhawaysay heshiis ku sheegan qaybo kamida dalka lagu xaraashay.

Maaha Markii ugu horaysay ee falalka noocan oo kale ah ay madaxtooyada somaliland ku xaraashto ama ay ku kirayso dhul iyo hanti shacabka somaliland uu manaafacaadsado oo ay ka xishoodeen madaxdii iyo hogaamiyeyaashii ka horeeyey dalka soo qabtay.

 

WAJAALENEWS DESK

HRAGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS