Maamulaha Kastamka Saylac Oo Ka Badheedhay In Uu Jabiyo Digreetadii Madaxwayne Siiraanyo Ku Joojiyay Isticmaalka Bacaha Iyo Laba Gaadhi Oo Sida koontiinaro baco ah Oo Xalay lagu Cashuuray Lowyo Cado . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulaha Kastamka Saylac Oo Ka Badheedhay In Uu Jabiyo Digreetadii Madaxwayne Siiraanyo Ku Joojiyay Isticmaalka Bacaha Iyo Laba Gaadhi Oo Sida koontiinaro baco ah Oo Xalay lagu Cashuuray Lowyo Cado .
February 6, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Tan iyo Maalintii Madaxwayne Siiraanyo soo saaray Digreeto uu ku mamnoocay Isticmaalka Bacaha Nooc kasta oo ay yihiin waxaa maalinba maalinta ka danbaysa isa soo taraya wararka sheegaya in soo dajinta Bacaha loo xidhay Shaqsiyaad u Dhuun Daloola Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo iyo Xisbiga Kulmiye oo Gacmo Madaxwaynaha ka sokeeya Xidhiidh wayni ka dhexeeya iyadoo Habeenkii xalay ahaa  Kastanka lowya cado   ay soo gaadheen Laba Gaadhi oo kuwa Xamuulka Qaada ah oo kayimid dhinaca dalka aynu jaarka nahay ee jabuuti kuwaasi lagu Cashuuray isla kastamka lowyacado

Sidoo kale wararka aanu ka helay arimahan ayaa sheegay in labadan gaadhi ee sida Kontiinarada Bacaha ay ku soo jeedaan magaalada Ganacsiyeedka Tog wajaale taasi oo sida xogahani tibaaxeen shaqsiyaadka bacahan keenay ay damacsan yihiin in dib loogu so geliyo dhinaca magaalada hargaysa Bacaha oo Madaxwayne Siiraanyo hore Digreeto ugu Joojay .

Mashruucan sharci darada ee dalka lagu soo galiyo Bacaha ayaa la sheegay in ay heshiis ku yihiin Maamulaha Kastamka Saylac iyo masuul kale oo ka mida xubnaha ugu dhow dhow qasriga madaxtooyada

Dhank kale maamulaha kastamka saylac oo aanu la xidhiidhanay ayaa noo sheegay in aanu waxba kala socon wax Baco ah oo lagu Cashuuray kastamka lowyo cado

Balse Talaabada uu qaaday waxay noqon doontaa mid Maamulka Wasaarada Maaliyadda ee Kastanka Saylac uu ka badheedhay in uu Jabiyo Amarkii Madaxwaynaha.

Wararka ayaa intaa ku daray in koontinaradan kala sideen Labada Gaadhi oo ah nooca 20 Tann qaada oo Baco ah waxaanay noo Xaqiijiyiin Goobjoogayaal in ay kala sitaan Labada Gaadhi Nombaradoodu kala yihiin  BLN 23076 iyo BLN 2645  waxaanay Wararku sheegayaan in Labada Gaadhi si Badheedh ah loogu Cashuuray iyagoo si Xeeladaysan loogu Qoray in ay Taransit ku yihiin Dalka Itoobiya iyadoo Bakhaarada Wajaale lagu rogayo Dibna loo soo gelinayo Magaalooyinka S/land .

iyadoo ay hore uga Marag fureen Masuuliyiin iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada Siiraanyo in ayna Wareegtadii Madaxwaynuhu sideeda loo dhaqan galin ee la xeeladeeyay waxaana ka mid ah Wasiirada sida adag uga hadlay Wasiirka Wasaaradda Horomarinta Reer Miyiga Marwo Shukri Xariir

“Waxayna tidhi Marwo Shukri Xariir Madaxweynuhu wuxuu soo saaray Digreeto uu ku Joojiyay isticmaalka bacaha,   Ganacsatada waanu u yeedhnay, waxaanu farnay farriimo iyo digniino culus in qofkii bacda lagu qabto in sharciga lala tiigsanayo, muddana waa la siiyay in ganacsatadu keento wixii lagu  bedalayay, dad badan ayaa ka jawaabay oo keenay wixii lagu bedalayay bacda oo ay dadkii isticmaalayaan halkii Bacda, balse Ganacsatadu Baco  kale ayay Dalka soo galiyeen. Ganacsatadu waxa kale oo  ay ku doodeen in wakhti kale la siiyo, ilaa maantana waa taa la isticmaalayo,”ayay tidhi Wasiirka deegaanku oo u warantay wargayska xukuumadda ee Dawan.

Marwo Shugri waxa ay tilmaantay in rugta ganacsigu ka gaabisay kaalintii ay ku lahayd joojinta isticmaalka bacda. “Waxaana markii hore nala riixayay in wakhti la siiyo ganacsatadda Rugta Ganacsiga, iyaga ayaa Berbera taagnaa, maantana waxa loo baahan yahay in Rugta Ganacsigu inay nala hawl-galaan oo kaalintoodii ka soo baxaan oo ganacsatada keenaya Bacaha  qaladkooda ka qabtaan oo xooga saaraan ayaa loo baahan yahay.”

Ugu Danbayn iyadoo Cabashada Ganacsatada, Ku Takri Falka Awooda Mansabka Dawliga ah iyo Cadaalad Darrada Maamulaha Kastanka Saylac ay Buux dhaafisay Dhagaha Bulshada S/land waxaa la iswaydiinayaa halka uu ka haysto Awooda dheeraadka ah ee Gaadhsiisan in uu si Badheedha u jabiyo Digreeto Madaxwaynaha S/land ku soo saaray in la joojiyay Bacaha Dalka S/land soo gala ballse waxaa Isha lagu hayaa Talaabada laga qaado Maamulahan u Hogaansami waayay Digreetadii Madaxwayne Siiraanyo ku Joojiyay Isticmaalka Bacaha.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS