Labada Aqal Baarlamaan Oo Hada Ansixiyay In Saldhig Militari Laga SIiyo Wadanka Emaratka Magaalada Berbera Iyo Tirada Xildhibaanada Diiday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Labada Aqal Baarlamaan Oo Hada Ansixiyay In Saldhig Militari Laga SIiyo Wadanka Emaratka Magaalada Berbera Iyo Tirada Xildhibaanada Diiday
February 12, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)labada gole ee guuurtida iyo wakiilada ayaa hada cod ku meelmariyay mooshin xaasaasi ahaa ee lagu wareejinayay madaarka magaalada Berbera kaas oo saaka buuq badan ka dib ay u codeeyeen meel marinta mooshinkan oo dibad ay ka ahaayeen qaar kamid ah xidlhibaanada labada gole iyo waliba sidoo kale gudoomiyaha aqalka wakiilada C/raman Ciro.

Waxaana xildhibaanadan oo iskugu jira labada gole qaran ee wakiilada iyo guurti markii madaxwayne Siilaanyo khudbadiisii dhameeyey la guda galay codaynta in la wareejiyo madaarka magaalada Berbera isla markaana dawlada Imaaraadka magaalada Berbera laga siiyo saldhig Milateri,waxaana codayntii ka dhashay buuq iyo sawaxan iyo walba inay xildhibaanada qaar dirqi lagu kala qabtay.

Intaasi ka dib gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane Cabdiraxxmaan Cirro ayaa isagu iska baxay sida la sheegay golaha,waxaana xildhibaanadu ay sii wateen codayntooda.

Waxa u codeeyey in la ansixiyo heshiiskaasi 144 xilhibaan halka ay xildhibaanada badankoodii iskag baxeen golaha markii uu buuq iyo sawaxan ka dhashay.

Ciidamadii kala duwanaa ee goobta lasoo dhoobay ayaa waxay waraku sheegayaan in xidhibaanada qaar gaar ahaana xildhibaanadii diidanaa an la ansixiyo heshiiska sadhiga Milateri ay garaaceen jidh dilna u gaysteen.

Xaruntii baarlamaanka ayaa waxa ka socday buuq iyo sawaxan iyo waliba is qabqabsi dhex maraya xildhibaanada qaar oo ah xildhibaanada labada dhinac kala raacsan.

Ilaa hadda lama garanayo halka ay ku danbayn doonto arirnkan.

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS