Golaha Guurtida Oo La Filayo In ay Maalinta Bari ah Mudo Kordhin Mar Kale U Sameeyaan Xukuumada Siilaanyo Iyo filashada Qorshe Baalmarsan Mudadii Asxaabta Iyo komishanku ku Heshiiyeen Oo Miiska Saaran!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Guurtida Oo La Filayo In ay Maalinta Bari ah Mudo Kordhin Mar Kale U Sameeyaan Xukuumada Siilaanyo Iyo filashada Qorshe Baalmarsan Mudadii Asxaabta Iyo komishanku ku Heshiiyeen Oo Miiska Saaran!!
February 26, 2017 - Written by Editor:

Magala Yaabaa In Geedi Socodka iyo Dimuqraadiyada Somaliland Iyo Hiigsiga Qaran Kamida Caalamku Ay Ku Burburto Gacanta Saleebaan Gaal??

Hargaysa  (Wajaalenews)  Maalinta bari ah ayaa la filayaa in golaha Guurtida Somaliland iskugu yimaadaan fadhi xaasaasi ah oo sida balanku ahaa ah in mudo kordhin mar kale loo sameeyo xukuumada, fadhigan ay golaha guurtidu ka yeelanayaan dib u dhaca doorashada madaxtooyada ku yimid oo lafilayo in mudo kordhin loo sameeyo marlabaad xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne Silaanyo.

saleeban nuur

Fadhigan maalinka bari ah ay yeelanayaan golaha guurtida Somaliland ayaa  ay ku gadaaman yihiin duruufo siyaaasadeed oo is barkan iyada oo ay ugu wayn tahay in ay baal maraan mudo kordhin lix bilood ah oo ay hore ugu heshiiyeen sadexda xisbi qaran kadib khilaaf xoogan oo ay ku kala fogaadeen mucaaradka iyo muxaafadku taas oo uu meel adag iska taagay xisbiga Kulmiye kuna adkaystay in doorashada xiligeegii la qabto balse ay soo dhaweeyeen mucaaradku in mudo kordhin la sameeyo iyaga oo tix galinaya Abaarta baahsan ee dalka ka jirta balse nasiib wanaag ay markii danbe sadexda xisbi qaran iyo komishanku isla qaateen in lix bilood la kordhiyo sidaasna loogu gudbiyay madaxwaynaha . Mar uu waraysi bixiyay gudoomiyaha golaha guurtidu ayuu ku sheegay in mudo kordhinta ay samaynayaan tahay mid ka duwan ta ay isla qaateen sadexda xisbi qaran iyo komishanku isaga oo carabaabay in aanay jeclaysan doonin xisbiyada qaranku mudo kordhinta ay sameeyaan golaha guurtidu hadalkan Gudoomiye Saleebaan ayaa shaki wayn ku dhaliyay axsaabta siyaasada taasi oo laga yaabo in mudo ka badan lix bilood ay kordhinayaan golaha guurtidu.

SIILAANYO IYO SALEEBAAN

Dhanka kale warar xogogaal oo aanu ka helay gudoomiyaha Golaha guurtida iyo xubnaha ku caanka ah mudo kordhinta ilaa xukuumadii Daahir Riyaale ayaa tibaaxay in ay kordhinayaan mudo ka badan tii lagu heshiiyay taasi oo sida xogahani bedka soo dhigeen uu Saleebaan Gaal hormuud u yahay mudo kordhin lagu qiyaasay sanad iyo badh taasi oo ka badan mudadii lagu waday in ay doorashadu Dhacdo Guurtida ayaa la sheegay in ay mudo kordhinta ka badan tii lagu heshiiyay u cuskanayaan in aanay dadka abaaruhu barakiciyeeen ku filayn mudada  lasoo qoondeeyay lixda bilood ahayd balse ay iyagu ka guurti ahaan mudo ka badan ugu talagaleen in ay doorssho dalka ka dhacdo,

Sidoo kale waxan la hubin talaabadan ay ka qaadayaan doorshada golaha wakiilada iyo ta golayaasha deegaanka oo iyana la filayo in ay qayb ka tahay arimaha ay gudo galayaan maalinta bari ah walloow ta golaha wakiiladu tahay mid iyaga la mida ta madaxtooyada

Si kastaba ahaatee mudo kordhintan labaad ayaa ku soo beegmaysa xili somaliland ku gadaaman yihiin duruufo siyaasadeed oo qalafsan kaasi ay halis ku keenayso mudo kordhin kasta oo u timaada doorashooyinka taasi oo u baahan in si deg deg ah loogu baahan yahay doorasho halka ay dhanka kalena dalka tagaan tahay abaar baahsan oo dad iyo duunyaba halakaysay ay ka jirto guud ahaan Somaliland gaar ahaan gobolada bariga iyo sidoo kale sixir barar albaabada u laabay dhaqdhaqaaqii ganacsi oo inta badan ay isha dhaqaalaha Somaliland ku xidhan tahay iyada oo taas u dheer tahay dhoofka xoolaha Somaliland oo laga joojiyay caalamu carab waxaanay dhamaan duruufahani suuro gal ka dhigi karaan in mudo kordhin shilis loo sameeyo xukuumada si looga gudbo duruufahan. Walow war warka ugu wayn ee dadka Somaliland ay hadal hayaan uu yahay in loo baahan yahay doorasho madaxwayne si loo helo cida ay talada dalku ka go,do iyo badbaadinta khayraadka dalka oo aanayno in ay xaraashayaan cid ka faa,iidaysanaysa awoodii madaxwaynaha balse aan ahayd cidii loo doortay.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA  OFFICE

WAJAALE STAFF

COMMENTS
LINKS