Dood Ay Caawa Dhalinyarada Sedexda Xisbi Qaran Ku Yeelan lahaayeen Magaalada Gabiley Oo Awood Ciidan lagu Joojiyay Iyo Xubintii Xisbiga kulmiye Uga Qaybgalaysay Oo Aan kasoo Xaadirin madasha . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dood Ay Caawa Dhalinyarada Sedexda Xisbi Qaran Ku Yeelan lahaayeen Magaalada Gabiley Oo Awood Ciidan lagu Joojiyay Iyo Xubintii Xisbiga kulmiye Uga Qaybgalaysay Oo Aan kasoo Xaadirin madasha .
February 17, 2017 - Written by Editor:

“Dhacadadii Caawa Lagu Joojiyay Doodii Sadexda Xisbi Qaran ku Yeelan lahaayeen Gabiley Waanu ka Xunahay Waana Dhacdo fool Xun Oo Aan Wanaagsanayn”Gudoomiyaha WAADIGA FIKIRKA.

GABILEY(W,N) Dood Cilmiyeen  ay caawa  wada galayeen dhalinyarada Sedexda Xisbi Qaran WADANI,KULMIYE IYO UCID kana dhacaysay Magaalada Gabiley Ismarkaana ay soo qabqaabiyeen “Ururka Waadiga Fikirka” ayaa gabi ahaan ay ciidamada boolisku xoog ku joojiyeen Daqiiqada ka hor wakhtigii loogu talo galay in ay bilaabanto taasi oo aanay sheegin  sobobta rasmiga ah ee keentay awoodan ciidan ee lagu kala dareeriyo dhalinyradii fadhiday HOOLKA LOOGU TALO GALAY I  AY KA DHACDO DOODANI,

dood

Doodan oo ku Saabsanayd Mustaqbalka dhalinyarada  Iyo Arimaha bulshada looguna talo galay in aykasoo qaybgalaan gudoomiyayaasha garabada dhalinyrada ee sedexda xisbi qaran.

Sidoo kale waxaan goobta kazoo xaadirin masuulkii xisbi xaakimka kulmiye ug qaybgalayay doodan oo sida la sheegay culus kaga yimid xaga sare ay sobobtay in uu ka cudurdaarto in uu kazoo qaybgalo. Dooda daqiiqado ka wakhtigii loogu talo galay in ay bilaabanto walo markii danbe xoogciidan lagu joojay gabi ahaanba munaasibadii.,

Wararka kale ee aan ka helay dhacdan lagu joojiyay qabsoomida doodan ayaa la sheegay in ay wada socdeen markii ay soo baxday in aan masuulkii kulmiye kazoo qaybgalay iyo amarka   ciidamada loosoo diray goobta,

Dhacdadan ayaa caawa argagax ku riday dhalinyarada gobolka gabiley  iyo shacabka ku dhaqan isla magaalada gabiley taasi oo bedka soo dhigtay kalsooni darada gudoomiyaha xisbiga kulmiye ka haysata shacabka reer gabiley iyo in aanu marnaba raali ahayn in ay wax iska waydiiyaan asxaabta siyaasada .

Laba maalmood ka hor ayay ahayd markii wafti uu muuse biixi hogaaminayo sida balaadhan loogu soo dhaweeyay gobolka gabiley halka caawana laga waayay hal qof oo si kalsooni leh  ugaga qaybgala doodan walo sida lasheegay ay diidmadu katimid xaga hogaanka sare ee xisbiga kulmiye.

Dhanka kale waxaa dhacdadan wax laga xumaado ku tilmaamay gudoomiyaha Waadiga fikirka ee iyagu soo qabqaabiyay doodan waxaanu fariin udiray dhalinyaradii kazoo qaybgashay iyo masuuliyiinta labada xisbi qaran ee Wadani iyo Ucid oo iyagu kazoo qaybgalay doodan,

Waxaani yidhi Mustafe Muxumed Xasan Oo Arimaasi Ka hadalayaa..

Dhacadadii caawa lagu joojiyay doodii sadexda xisbi qaran ku yeelan lahaayeen Gabiley waan ka xumahay waana dhacdo fool xun oo aan wanaagsanayn.

doodaha waxaa laga dhaxlaa isdhexgal iyo in xisbi walba la fahmo qorshayaashiisa uu ummada u hayo, nasiib daro ciidan ayaa awood ku joojiyay markii wakhtigii u danbeeyay garabkii dhalinyaradda xisbul xaakimka Kulmiye ka baaqda in doodda ay ka qayb galaan.

waxaan u mahad celinayaa labada xisbi ee Waddani iyo ucid oo si wanaagsan ugu soo diyaar garoobay kana soo qayb galay goobtii balantu ahayd dooda balse xisbiga Kulmiye ayaa ka soo xaadiri waayay. kadib waxay goobtii ku joojiyeen awood iyo amar taliyaha ciidanka la soo siiyay.

waan u mahad celinayaa dhamaan dadwaynihii ka soo qayb galay ee hawshaa xiisaynayay waynu sii wado doonaa barnaamijyada waxtarka leh. doodduhuna waxay furfuraan in bulshada is fahanto.

 

Guul iyo Gobonimo

COMMENTS
LINKS