|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWA; Abwaan Xasan Daahir Weedhsame Oo Hada Soo Saaray Maansada Cusub Ee “MUDDUCI” Oo Uu Kaga Hadlayo Musuqmaasuqa Iyo Sida Loogu Tagri falayo Hantida Ummada
February 27, 2017 - Written by Editor:Maalmahan danteenii Mukur baa ka taliyoo Sida ruux la maray buu ‘‘Maya’’ ‘‘haa’’ ku ladhayaa HARGAYSA(W,N) Abwan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame Oo kamida Abwaanada Dalka Jamhuuriyada Somaliland Marar badana Suugaan ku Cabiray xaalada guud ee uu dalku kugan yahay ayaa Caawa soo saaray Maanso Cusub Ee Mudduci oo uu kaga hadlayo xaalad somaliland xiligan ku sugan tahay iyo sida loo xalaashaday boobka hanti umada Maansadan Cusub oo dhawaan soo baxday waxa la yidhaa ”MUDDUCI” Ayaa Wuxuu diirada ku saaray bedkana soo dhigay musuqmaasuqa iyo sida loogu tagri falayo hantida ummadii lahayd ka macaluulayso.
HALKAN KA DAAWO https://youtu.be/fHF2pkLd96c
Maalmahan danteenii Mukur baa ka taliyoo Sida ruux la maray buu ‘‘Maya’’ ‘‘haa’’ ku ladhayaa Marka uu margado buu Runta sii murginayaa Miciyuu dirsanayaa Mixnad buu hadhsanayaa Makri buu barkanayaa Hadba boogo malaxliyo Milil jira guntaasuu Dusha sare mariidiyo Maaleey ku dhayayaa, Masas buu dhaqanayaa Malmal baanu shidayaa Hadba good is maray buu Rajo maax ku sabayaa Shil mirtuu ka baqayaa Sharna wuu martiyayaa Madallooti dhacayuu Muska reerka dhigayaa Cidda maasha saraysaa Magli loo lisanayaa Xaqa soo mutuxan buu Kun maxaadh ku mudayaa Hadba dhiil u madhiyuu Muddo dhaaf ku lulayaa Masalooyin ugub buu Hadba moofle jarayaa
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|