|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamada RRU da Oo Caawa Gaaf Wareegaya Xaafadaha Magaalada Hargaysa Iyo Cabsi Galinta Shacabka+Mooshinka Bari
February 11, 2017 - Written by Editor:Hargaysa(wajaalnews)waxaa maalinta bari ah si wayn shacabka Somaliland Uga Dhursugayaan Mooshinka Dabada Ay Ka riixaso xukuumadu oo daaran sidii ay labada gole baarlamaan u meelmarin lahaayeen dhaxal wareejinta madaarka caalamiga ah ee magaalada Berbera oo dhawaanahanba xukuumadu fool eryasay buuq badana ka abuuray qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaana maalmahanba weedho ay ku diidan yihiin hormoodka bulshada Somalialand Dhaxal wareejinta madaarka Berbera ay hawada u marinayeen xukuumada weeodho ay kaga dalbanayeen in ay ka noqoto talaabadaas balse taas xukuumadu dhag jalaq uma siinin ee waxay badalkeega ka dhigtay in ay kharash badan iyo waqti badan ku lumiso sidii ay u muquumin lahayd mooshinkan, waxaanay balan la gashay labada gole baarlamaan ee golaha guurtida iyo wakiilada iyada oo mooshinkan ku lifaaqday khudbad sanadeedii madaxwaynuhu caadiyan hortagi jiray labada Gole. Dhinaca kale waxaa xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargaysa galabta laga dareemayay cudud ciidan oo ay xukuumadu soo dhoobtay meelaha isgoysyada Xaafadaha Hargaysa kaas oo ay ka cabsi qabto maalinta bari ah suuro galnimada in shacabku ku qaabilo mudaharaado ay kaga soo horjeedaan dhaxal wareejinta madaaarka magaalada Berbera ee ay u balansan yihiin maalinta bari ah labada aqal baarlamaan . Waxaana gaaf wareegayay galabta xaafadaha kala duwan ee caasimada Hargaysa ciidamada loo yaqaan RRU oo saran gadiidka waawayn kuna hubaysan agabka loogu talo galay ka hortaga mudaharaadada sida agabka qafilan iyo rasaasta indhaha kaga ilmaysiisa, waxaanay tani shacablka ku riday argagax iyaga oo iswaydiinaya duruufta xiligan keentay ciidamadan titada badan. Si kastaba ha ahaatee mooshinkan lagu meelmarinayo wareejinta madaarka caalamiga ah ee magaalada Berbera ayaaa siyaabo isku dhaw u cabirayeen hormoodka bulshadu kaas oo bixinayay sawir ah in shacabku si cad u diidan yihiin waana ta keentay manta in xukuumadu sasbadan ka qaado. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|