Abaabulka Mudaharaado Culus Oo Lagaga Soo Horjeedo Dhaxal Wareejinta Madaarka Caalamiga Ah ee Magaalada Berbera Oo Laga Dareemayo Caasimada Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abaabulka Mudaharaado Culus Oo Lagaga Soo Horjeedo Dhaxal Wareejinta Madaarka Caalamiga Ah ee Magaalada Berbera Oo Laga Dareemayo Caasimada Hargaysa
February 10, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Tan iyo intii madaxwayne siilaanyo labada gole qaran ka dalbay shir wadajir ah waxaa shacabka somaliland siyaasiyiin, madaxdhaqameed iyo xisbiyada qarankuba  meel adag isaka taageen kana soo horjeesteen in xukuumada madaxwayne siilaanyo wareejiso  madaarka caalamiga ah ee Berbera kaasi oo sida ay sheegeen ay damacsan yihiin in ay ku wareejiyaan xulufada ciidan ee imaaraatka carabka kuwaasi oo sida la sheegay ujaadada ay u rabaan tahay saldhigan ciidan ee magaalada Berbera sidii ay uga weerari lahaayeen xuutuyiinta dalka yemen ee uu dagaalku ka dhexeeyo dalalka sucuudiga iyo Emarateka Carabta oo is huwan.

Hadaba waxaa guud ahaan labadii habeen  ee u danbeeyay gudaha caasimada Hargaysa iyo qaar ka mid ah gobolada dallka laga dareemayaa abuubul xoogan oo loogu diyaar garoobayo sidii loogu muujin lahaa dibadbaxyoay shacabku  kaga soo horjeedaan wareejinta madaar Berbera, Dhaqdhaqaaqyadan ayaa sida wararka aanu  helaynaa tibaaxeen in ay wadaan madaxda Axsaabta qaar kamid ah iyo badi madaxdhaqameed beelaha Subeer Awal oo iyagu maalmihii u danbeeyay ku hawlanaa sdii aanay marnaba u dhacdeen qorshayaasha ay xukuumadu damacsan tahay inay ku meelmariso damaceega.

Sidoo kale wararka aanu ka helayno isku soobaxyadan salmiga ah ee looga danleeyahay sidii aanay marnaba golayaasha Guurtida iyo Wakiiladu u aqbalin qorshe ay wataan xubno ka mida qoyska madaxtooyada oo sida muuqata ay ujeedadoodu tahay dhaqale raadis.

Dhinaca kale waxaa iyaguna jira kulamo xaasaasi ah oo la filayo in ay  arinkan ka yeeshaan salaadiinta iyo madaxhdaqameedka Beelaha Subeer Awal iyo Garxajis, waxaana wararku sheegayaan in uu sidoo kale jiro  kulan garnaqsi ah oo arintan la xidhiidha  kaas oo ay la yeelan doonaan hogaanka dhaqanka ee beelaha Subeer Awal Iyo Garxajis  madaxwaynaha Somaliland isaga oo qorshahan  abaabulkiisa ay ku hawlan yihiin madaxda dhaqanka ee labadan beelood ka hor inta aan la gaadhin waqtiga madaxwaynuhu la balansan yahay labada gole.

Si kastaba ha ahaatee shacabka Somaliland ayaa inta badan cabsi wayn ku qaba mooshinada ay ansixiyaan golayaashii ay doorteen ku waasi oo aan ka turjumayn maslaxadooda balse ay ku ansixiyaan hunguri iyo afbuuxsi ay ku mabeen xidldhibaanada golaha wakiilada kaasi oo saamaxay in xukuumadu meelmarsan karto mooshin kasta oo ay iyadu dano gaar ah ku qabto.

COMMENTS
LINKS