|
|||||
WAJAALE NEWS
Aagga Cagaaran ee Baqdaad oo madaafiic ay ku dheceen ka dib dibadbaxyo dad ku dhinteen
February 12, 2017 - Written by Wariye:Hargeisa (WJN):-Dhowr madfac ayaa waxa ay ku dheceen meesha sida weyn loo ilaaliyo ee Aagga Cagaaran, saacado ka dib markii ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen dibad baxyo ruxay caasimadda Ciraaq. Ma cadda in qofna uu wax ku noqday duqeyntaas loo geystay Aagga ay ku yaallaan xafiisyada dowladda iyo safaaradaha. Ma cadda kooxda madaafiicda ku riday Aagga Cagaaran. Sikastaba, Saraakiisha Militariga waxay sheegayaan inay u muuqato in madaafiicda laga soo tuuray xaafadda Baladiyat, halkaas oo la sheego in Muqtada Al-Sadr uu ku leeyahay taageerayaal aad u badan. Qarax bomb ayaa dilay ‘ku dhawaad 80 Shiica ah’ Ururka Xisbullah oo dagaalka Moosil qeyb ka ah Sabtidii, kumannaan qof oo dalbanaya is bedel dhanka doorashada ah ayaa isugu soo baxay halkaas, waxayna isku deyeen inay Aagga Cagaaran ka gudbaan. Booliska ayaa ku riday gaaska dadka ka ilmeysiiyo. Ugu yaraan 200 oo qof ayaa ku dhaawacantay, sida wararku sheegayaan. Resource BBCsomali Related posts:War Murtiyeed Kasoo Baxay Shirkii Wadatashiga Puntland Iyo Madaxweyne Deni Oo Gogol Ufidiyay Maamul ... Masuuliyiin Katirsan Haayada Wadooyinka Oo Kormeer Ku Tagay Dhismaha Wadada Gabiley Ilaa Caada! Dr. Maxamed Cabdillaahi Oo Ka Hadlay Mawqifka Somaliland Ka Qaadatay Dagaalada Yemen, Aragtida Beesh... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|