Xilliga Qaboobaha Iyo Dadka Xanuunka Dhimirka Qaba. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xilliga Qaboobaha Iyo Dadka Xanuunka Dhimirka Qaba.
January 15, 2017 - Written by Wariye:

Waa galabnimo waana bilihii ugu dambeyey sanadkan 2016 waa bishan dhaxanta lagu yaqaano ee  November bilahan dambee sanadku waxay caan ku yihiin dhaxan saa’id ah waxanad arkaysaa isbedelada cimilee dhacaya waxaad arkaysaa dadka inta miyirkoodu  joogo oo ku gaashaman hu culus oo qaro leh dhaxantana celinaya suuqyada dharka lagu iibiyo waxa u badan bilahan kuwa lagaga gaashaanto dhaxanta noocyadooda kala duwan  nin ba taagtii iyo waxa jeebkiisu u gooyuu iibsanayaa si uu dhibaatada qaboobaha uga nabad galo ,badanaa horaa looga hoydaa suuqyada waxaana gabaad laga dhigtaa guryaha iyo meelaha dugsoon waa ninkii allah siiyey inuu hoy helee , dhaqdhaqaaqu aad buu u kooban yahay cida xiligaa socotana waa qof dani

wado iyo qof aan xiskiisuba dhamayn.

Bilahan sidoo kale dadku waxay cunaan cuntooyin badan waayo waxa badan gaajada oo aad loo dareema xiliyada qaboobaha

Dhaxanta habeenkaa dhacda waxaad samaynteeda ku garataa subixii markaad kalahayso ama shaqo tagayso dadka dhimirkoodu maqan yahay

Ogsoonow dadka maskaxda ka xanuusanaya ama dhimirka wax ka qabaa ma dareensana dhibatada dhaxanta iyo qaboobaha ee intii garashadoodu soo jeeday ay ka gaashanteen isaga waa isugu mid kulayl iyo qabow ma kala jecla mana oga dhibaatada ay jidh ahaan isbedelada cimiladu u geysan karaan.

Isaga waxa koodh iyo gaashaanba u ah maqaarkiisa waayo maalin oo dhan wuu qaawan yahay inta maanka fayoobina aad ulama dareensana dhibtaa , ma haysto buste kaba kaalay koodhoo waxa buste u ah cirkaa qaawan ee ay tooska isugu muuqdaan wax u dhexeeyana anay jirin waxa hoy u ah cidlada oo habeenba meeshii uu daalku dhigo ayuu ku gam’aa dhibtaa iyo hagardaamada waxa u dheer cayda iyo shiidka dhalaanka oo iyadu joogto ah xili walba ,waxa u ehel ah gaajada cid wax siisa iyo meel joogto ah oo cuntu ugu hagaagana ma leh .

Habeenku waa ku dheer yahay waxaas oo ciqaaba oo uu marayaa maaha wax uu isagu keensaday keliya waxa rabi swt ka qaaday garashadii waxaana lagu imtaxamayaa kumanaanka garaadkoodu joogo ee dawanaya dhibahana aan qalbigiisu joogin dhibahana garawshiiyaha aan helin dhibanaha dharaarta iyo habeenkuba si u wada ciileen.

Ma qabo xanuun daran ama aan daawo lahayn waxa helay mid ka mid ah xanuunada adamaha ku dhaca ee maalin oo dhan kuyuuga loogu jiri cusbitaalada iyo goobaha adeegyada caafimadka si laysaga daweeyo waxa keliya ee aad dheer tahay waa sida aad adigu cabashadada ugu gudbiso dhakhtarka isagu ma awoodo inuu cabashadiisa gaadhsiiyo adeeg bixiyaha cafimaadka si dhibaatadiisa loo daryeelo

Bal aynu is barbar dhigno labadan xaaladood waa adiga oo cafimaad qaba iyo walaalkaa oo dhimirka ka jiran , labadiinuba waxaad tihiin adame rabi swt abuurtey waxaydun leedihiin jidh isku mid ah keliya waxa idinka kala duwa ama laydinku kala sooca waa garashada adiga rabi swt garashadii iyo xiskaagiiba waa kuu dhamaystirey se isaga wuu ka qaaday oo waa uu xis iyo garasho la yahay, kumaad helin xiska adigu inaad ka wanaagsan tahay isaga se ilahay swt waxa uu isku imtaxamayaa oo uu eegaya garashada adamaha iyo siday uga garaaban qadarka si loo tijaabiyo imaankooda

Hadaba walalo miyanay ahayn inaad nimcadaa rabi swt ku siiyey ilahay ugu mahadnaqdo oo aad garawsho u yeelato dhibkaa haysta walalkaa oo aad daryeel iyo taageeraba u fidiso tustana inaan dhibaatada laysku nicin.

Walaal miyaanay mudnayn oo anay waajib ahayn inaad u damqato walalkaaga dhibaataysan inaad daryeesho oo aad dhaxanta ka xareyso inaad ugu gargaarto oo ku soo xidho goobaha lagu daryeelo dadka dhimirka ka jiran

Guntii iyo gabagabadii guud ahaan shacabka somaliland iyo islaamkaba waxaan ugu baaqayaa inay u gurmadaan walalaha dhiban ee dhimirka wax ka qaba inay tageero hiil iyo hooba ah la garab istaagan siiba xaladan adag ee qaboobaha walal ogsoonow adigaa u cida adiga u dad ah iyaga cidi uma maqna ceelna umaa qodna adigu noqo ka u hor caawiya ee daryeela walalaha dhiban.

W/Q: Dr.Cabdikariim Cawaale Diiriye

COMMENTS
LINKS