Xadhigii Ambassador Safiina oo Run Ka Dhigay Shaki Laga Qabay Mulkiilaha Shirkada SOMCABLE Mohamed Aw Siciid Inuu U Adeego Sirdoon Aduunka Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xadhigii Ambassador Safiina oo Run Ka Dhigay Shaki Laga Qabay Mulkiilaha Shirkada SOMCABLE Mohamed Aw Siciid Inuu U Adeego Sirdoon Aduunka Ah.
January 24, 2017 - Written by Editor:

Hargeisa (Wajaale News):- Safiirkii hore ee dawlada Somaliland u fadhiyay dalka Sucuudi Arabiya Ambassador Axmed Safiine, hadda na ah wakiilka dawladaha carabta ee xisbiga mucaaradka ee Wadani oo Mulkiilaha Shirkada Isgaadhsiinta SOMCABLE Maxamed Aw Siciid Geedi ku xidhay dalka Kenya, ayaa sii xoojinaya tuhun dadwaynaha reer Somaliland hore ugu tuhunsanaayeen in mulkiilahaasi xidhiidh la leeyahay haayadaha sirdoonka aduunka, dadwaynahaasi oo xadhiga Ambassador Safiina marag uga dhigaya mudadii gaabnayd ee lagu soo beeniyey eedii safiirku dusha ka saaray mulkiilaha iyo sidii degdega ahayd ee loo gu xidhay isagoo ku sugan dal shisheeye oo aan dawlada Somaliland ba ictiraafsanayn, inay caddaynayso sirdoonimada Ina Aw Siciid.

Mudada baadhista kiiska ambassador Safiina oo aad u yaraa iyo ku lug lahaanshihii xadhigaasi ee mulkiilaha shirkada SOMCABLE Maxamed Aw Siciid  ayaa shaki wayn galisay shacabka reer Somaliland ee xoriyada jecel in mulkiilahaasi xidhiidh aan cayinayn la leeyahay haayadaha sirdoonka aduunka sida haayada Interpol. In mulkiilaha shirkada Somcable dabada ku hayo qaar ka mida haayadaha sirdoonka aduunka ugu waa wayn ayaa loo cuskanayaa inay cadayn u tahay sida loo xidhay ambassador Safiina oo hore ugu eedeeyey Maxamed Aw Siciid inuu xidhiidh la leeyahay Xuutiyiinta ka dagaalama dalka Yemen sidoo kale dhaqaale siiyo qoomiyadahaasi.

 

Shabakadaha warbaahinta ee laga leeyahay Somaliland ee wax ka qoray xadhiga Ambassador Safiina oo dhamaantood hawada laga saaray ayaa sidoo kale loo tuhunsan yahay isla markaa na loo aanaynayo inuu dhaqaale ku bixiyey Mulkiilaha shirkada SOMCABLE Maxamed Aw Siciid oo dhinac ka ahaa dacwada lagu xidhay Ambassador Safiina, si aan wax ba looga qorin arimaha la xidhiidha xadhiga masuulkaasi oo ka tirsan hadda xisbiga mucaaradka ee WADANI.

Shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland ee bixiya adeega internet-ka ayaa hore u diiday inay isticmaalaan adeega internet-ka ee ay bixiso shirkada SOMCABLE kuwaasi oo ku sababaynayey in shirkadani si qarsoodi ah ugu adeego qaar ka mida sirdoonada caalamka. Dadkaasi hore usoo isticmaalay internet-ka fiber-optic-ga ee qaarkood ka yimaadeen dalka dibadiisa ayaa bilawgiiba saluug wayn ka muujiyey xawaaraha adeega internet-ka ee ay bixiso shirkada SOMCABLE, kuwaasi oo barbardhigayey dalalkii dibada ee ay ka yimaadeen.

Mulkiilaha Shirkada SOMCABLE eedahan dusha laga saarayo waxyaabaha la leeyahay inay wax ka jiraan, waxaa ka mida mulkiilaha shirkadan oo aan hore ugu jirin suuqa ganacsiga ee isgaadhsiinta ka hor intii aanu shirkadan dalka keenin isagoo hore uga ganacsan jiray sigaarada, suuqan ganacsi ee uu ku cusub yahay ayaa la leeyahay waxaa ku lug le haayadaha sirdoonka aduunka ee ay ugu horayso haayada Interpol iyo dawlada Djibouti inay u maalgaliyeen shirkada SOMCABLE dano siyaasadeed oo aan wali la aqoonsan. Dhibaatooyinka iyo hagardaamooyinka kale ee mulkiilahani kusoo kordhiyey dalka Jamhuuriyada Somaliland intii ganacsigiisu kusoo biiray, waxaa ka mida burburinta nidaamka dawladeed ee sharciga ku dhisan isagoo ka dhex bilaabay golaha wakiilada Somaliland inuu dhaqaale ku bixiyo si loogu ansixiyo sharciga isgaadhsiinta iyo in kooto loogu xidho keenista xadhiga Fibre-optic-ga ee xambaara internet-ka xawaarihiisu sareeyo.

Ganacsadahan Maxamed Aw Siciid ayaa soo shaac baxay wakhtiyadii la damcay in adeega internet-ka xawaarihiisu sareeyo dalka la keeno oo ahaa wakhtiyadii ay sii dhacaysay dawladii xisbigii UDUB hogaaminaysay oo uu bilaabay in wasiiradii xilka ka hayey ku baayaco baabuur iyo dhaqaale si ay u dhacdo dawladii wakhtigaa talinaysay oo uu ku guulaystay inuu baabuur iyo lacag siiyo wasiiradii xilalka iska casilay, taasoo loo cuskan karo markhaati cad in mulkiilahan lagu soo diray qorshe shisheeye oo lagu burburiyo dawlad-wanaagii xisbigii UDUB,  isagoo mulkiilahani manta na la socda musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo ah mujaahid kusoo caano maalay isku-dirka iyo iska hor keenka shacabka Somaliland, sidoo kale an ah ka ugu godobta iyo dab-kicinta badan musharaxiinta xisbiyada qaranka Somaliland ee ku tartamaya hogaaminta dalka. Laaluush bixinta mulkiilahani shirkada SOMCABLE ku caan baxay ayaa kusii siqaysa heer caalamiya maadaama uu isagoo gurigiisa jooga ku xidhay ambassador Safina oo ku sugnaa dalka Kenya, taasi oo sii kordhisay shakigii laga qabay in uu mulkiilahani yahay sirdoon caalamiya iyadoo dadka qaar carabka ku adkaynayaan in eedaasi dhab tahay.

 

 

FAALADII AXMED SH, NUUR DUCAALE (AXMED BIITO)

 

 

COMMENTS
LINKS