|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Dibedda Dalka Chad Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Cusub Ee Midowga Africa,
January 30, 2017 - Written by Editor:ADIS ABABA (WN) — Moussa Faki Mohamat, wasiirkii arrimaha dibadda Ee Dalka Chad ayaa ku guulaystay in uu noqdo guddoomiyaha guddiga midowga Africa,kadib markii uu tartan adag dhex maray isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Amina Maxamed. Kadib todobo wareeg oo la maray ayuu ku soo baxay Diblumaasiga, asaga oo haatan noqonaya guddoomiyaha guddiga midowga Africa ee rasmiga ah. Waxaa uu helay Mr. Moussa 38 Cod, halka ay Amina heshay 26 cod doorasho maanta oo Isniin ah ka dhacday Addis-Ababa, Ethiopia. Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada midowga Africa waxaana shirkan uga qayb-galayay sii hayaha xilka madaxwynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Ugu danbeyntii, wasiirka arimaha dibada dalka Kenya Aamino Max’ed ayaa dadaal xoog leh u gashay sidii ay xilka ugu guuleysan laheyd, laakiin waa lagaga guulaystay , kadib markii ku soo baxay wasiirka arimaha dibada Chad.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|