Wasiir Sacad Iyo Madaxtooyada Oo Isku Maandhaafsan Saldhiga Militari Ee Dawlada Imaaraadka Laga Siiyay Magaalada Berbera | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Sacad Iyo Madaxtooyada Oo Isku Maandhaafsan Saldhiga Militari Ee Dawlada Imaaraadka Laga Siiyay Magaalada Berbera
January 11, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)-Khilaaf xooggan, ayaa soo kala dhexgalay aqalka madaxtooyada Somaliland iyo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliand Md. Sacad Cali Shire, kaas oo salka ku haya saldhigga ay dawladda Isu tagga Imaaraadka Carabtu doonayso inay Berbera ka samaysato.

Sida ay wargeyska Hubaal u xaqiijiyeen warar xog-ogaal ahi, waxa uu wasiir Sacad Cali Shire si cad u diiday inuu wax lug ah ku yeesho saldhiggaas ay madaxtooyadu doonayso inay Imaaraadka ka siiso magaalada Berbera, waxana uu xusay inaanay isaga u muuqanin wax dan ah oo qaranka ugu jirta saldhigaas.

Saldhigan oo uu dabada ka riixayo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Md. Baashe Cawil, isla-markaana ay taageerayaal xubno awood weyn ku leh aqalka madaxtooyada, ayaa waxa ka gows adaygay  wasiir Sacad oo isagu fure u noqon lahaa heshiis kasta oo dal shisheeye lala gelayo.

Khilaafkan oo ayaamihii ugu dambeeyey la dareemeyey qasriga madaxtooyada, iyada oo xubnaha heshiiskan danaynayaa u baydheen dhinaca wasiirka Duulista oo horeba isagu shaaca uga qaaday inuu madaxweynuhu dalabka Imaaraadka ogolaaday balse uu shuruud dhinaca goleyaasha Baarlamaanka la xidhiidha ku xidhay.

Wasiir Sacad oo isagu ahaa shakhsigii ugu horreeyey arrintan ay madaxtooyadu kala hadashay, ayaa ku andacooday inuu saldhigaasi cadaadawad cusub Somaliland usoo jeedi doono, isla-markaana uu gelinayo jawi go’doomin ah oo ay ka gasho dalalka la saaxiibka ah xilligan oo ay Ethiopia ugu weyn tahay.

Xogaha aanu ka helayno diidmada wasiir Sacad ee la xidhiidha saldhigga Imaaraadka, ayaa sheegaya inuu madaxtooyada hor dhigay qoddobo dhawr ah oo aan saldhiggaas loo oggolaan Karin, kuwaas  oo ay ugu weyn yihiin inaan wax dhaqaale ah oo buurani qaranka kasoo gelaynin, inuu heshiiska gacan ku leeyahay madaxweynaha Somaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo welibu inuu colaad cusub oo aanay la soconin wixii lagaga gaashaaman lahaa la socoin uu abuurayo.

Waxyaabaha kale ee uu wasiir Sacad u cuskaday diidmadiisa, ayaa waxa xogaha aanu haynaa ku sheegeen  inuu madaxtooyada u sheegay inay weli taagan tahay buuqii iyo is-maan dhaafkii ka dhashay heshiiskii xukuumaddu la gashay shirkadda DPWorld oo ay si gaar ah u diidanaayeen shacabka gobolka Saaxil, isla-markaana aanay xilligan haboonayn in gobolka buuq kale oo shisheeye dabada ka riixayo lagu furaa.

Inkasta oo uu wasiirkii arrimaha dibaddu faraha kala baxay arrinta saldhigga Imaaraadka ee magaalada Berbera, baddana waxa hawshooda wata xubnaha heshiiska danaynaya oo uu ugu horreeyo Safiir Baashe Cawil, kaas oo xilligan kulamo qarsoodi ah ka wada magaalada Dubai ee dalka imaaraadka Carabta.

Dadka dhaqaalaha iyo arrimaha heshiisyada caalamiga ah ku xeel dheer, ayaa tilmaamay inaanu heshiiska Imaaraadku ku doonayo xeebta magaalada Berbera ahayn mid mukhaarash ku ah qaranka, isla-markaana dheefta kooban ee laga helayaa diidayso in codaawad hor leh dalka loo abuuro.

Xubnaha iyagu heshiiskan dabada ka riixaya, ayaa ka eegaya oo kaliya shilimaad xaqul-qalin ah oo laga qaadanayo dalka Imaaraadka, balse ma jirto wax dan qaran ah oo ay hawlahaas ugu jiraan, waxase si dhaw arrinta ula socda shacabka reer Somaliland oo iyagu dhawrayo jawaabta madaxtooyadu  maalmaha soo socda ka bixin doonto.

 

COMMENTS
LINKS