|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Oo Madaxtooyadu Qaniinsan Tahay Iyo Halka Uu Marayo Khilaafkoogu
January 15, 2017 - Written by Editor:Hargeysa (wajaalenews):- Madmadow iyo Isfahan waa’ siyaasadeed oo dhawaanahan soo kala dhex galay wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu guulaystay in la dhammeeyo isagoon meel fog gaadhin. Hase yeeshee warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in odayaal ka soo jeeda deegaanka Wasiir Sacad ay ku guulaystaan inay damiyaan Isfahan waa’ga labada dhinac, ka dib markii ay kulan isugu geeyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Sacad Cali Shire oo lagu tilmaamo Wasiir daacad ah islamarkaana hawlkar ah.
Wasiir Sacad oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu arrimahan wax ka weydiiyo ayaanay noo suurtogelin.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|