Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Oo Madaxtooyadu Qaniinsan Tahay Iyo Halka Uu Marayo Khilaafkoogu | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Oo Madaxtooyadu Qaniinsan Tahay Iyo Halka Uu Marayo Khilaafkoogu
January 15, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa (wajaalenews):- Madmadow iyo Isfahan waa’ siyaasadeed oo dhawaanahan soo

kala dhex galay wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu guulaystay in la dhammeeyo isagoon meel fog gaadhin.
Warar soo baxay khamiistii, ayaa tilmaamay inuu xoogaystay kala aragti duwanaansho labada dhinac ah oo sababi gaadhay in Wasiir Sacad is casilo amaba madaxtooyadu xilka ka qaado, ka dib waraysi uu wasiir Sacad siiyay saxaafadda oo uu kaga hadlay dareen ay dawladda Itoobiya ka qabto saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabta.

Hase yeeshee warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in odayaal ka soo jeeda deegaanka Wasiir Sacad ay ku guulaystaan inay damiyaan Isfahan waa’ga labada dhinac, ka dib markii ay kulan isugu geeyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Sacad Cali Shire oo lagu tilmaamo Wasiir daacad ah islamarkaana hawlkar ah.

 

Wasiir Sacad oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu arrimahan wax ka weydiiyo ayaanay noo suurtogelin.

 

COMMENTS
LINKS