Warar Dheeraado Oo kasoo Baxaya Xadhiga Xoghayihii Xidhiidka Carabta Ee Xisbiga WADDANI, Axmed Safiina oo Dalka Kenya lagu Xidhay +Cida ka Danbaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warar Dheeraado Oo kasoo Baxaya Xadhiga Xoghayihii Xidhiidka Carabta Ee Xisbiga WADDANI, Axmed Safiina oo Dalka Kenya lagu Xidhay +Cida ka Danbaysa
January 1, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)-Xoghayahii Xisbiga WADDANI u qaabilsanaa xidhiidhka dawladaha Carabta Ambassador Axmed Safiina, oo maalmahii ugu dambeeyey socdaal shaqo ku joogay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, ayaa ay galabta hoteelkii uu ka deganaa magaalada Nayroobi ay kala baxeen ciidamada Booliska dalkaasi Kenya.

Illaa hada ma jirto warar faah-faahsan oo ka soo baxay dhanka ciidamada Booliska dalka Kenya, balse sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ehelada Ambassador Axmed Safiina, ayaa sheegaya in ciidamada Boolisku ay u sheegeen Axmed Safiina in loo soo xidhay dacwad uu ka soo gudbiyey Xisbiga KULMIYE, taasi oo Xisbigaasi uu ku soo eedeeyey in Ambassador Safiina ay u haystaan edo uu usoo jeediya kumiye iyo ganacsade  ina awsiciid .

SAFIINA

 

Ambassador Axmed Safiina oo hada ku xidhan xabsiga magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, ayaan ilaa hada la garan karin sababta keentay in Xisbiga KULMIYE uu dacwad ka gudbiyo.

COMMENTS
LINKS